KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ku-xigeenka Abshir Bukhaari ayaa maanta tagey madasha, iyagoo ka qeybgalaya munaasabadda xeritaanka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta ku shirsan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda ay soo saaraan mar-murtiyeed wadajir ah, oo lagu soo afjarayo kulankooda mudada afarta maalmood uga socday Jazeera hotel.
Intii uu socday Shirka, waxay Musharixiinta ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan gudiyadda lagu soo daray xubnaha NISA iyo Shaqaalaha dowladda, iyagoo dalbadey gudi dhex-dhexaad ah in la dhiso si doorashadda u noqoto mid hufan, oo xor iyo xalaal ah.
Waxaa Shirka tagey maalmihii uu socday mas'uuliyiin kala duwan, odayaal dhaqan, Ururada bulshadda rayidka iyo culimo, kuwaasoo Musharixiinta la wadaageen dareenkooda ku aadan doorashadda iyo sidii loo sixi lahaa qaladaadka uu Farmaajo sameeyay.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo horey Madaxweyniyaal usoo noqday iyo Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah 14-ka musharax ee ka qeybgalaya kulanka, oo noqday midkii ugu ballaarnaa oo Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiinta Mucaaradka.
Lama oga inuu Farmaajo bedeli doono go'aankiisa ku aadan gudiyadda uu dhisay ee la sheegay inuu ugu talo-galay ku shubasho doorashadda inay u sameeyaan dhalinyarada uu ku daray, oo u badan taageeriyaashiisa baraha bulshadda iyo NISA.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.