Itoobiya oo si cad u jebisay madax-banaanida Soomaaliya

Farmaajo ayaa hadda kahor ku faaney inuu soo xiray albaabkii Madaxda Maamul Goboleedyada ka gali jireen Itoobiya kahor inta Abiy Axmed xukunka qabsan 2018.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo si cad u jebisay madax-banaanida Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Itoobiya, Sahle Work Zewde, ayaa Arbacadii shalay soo saartay qoraal ay Qunsulkii u fadhiyay magaaladda Hargeysa uga dhigtay Safiir buux, taasoo micnaheedu yahay inay Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Siciid Maxamed, oo ahaa madaxa qunsuliyadda Itoobiya ee Somaliland, ayaa noqonaya safiir buuxa, waxaana tallaabadan imaanayso xili ay jiraan warar sheegaya in Itoobiya ay doonayso in Ciidanka badda ay dhisanayso inay saldhig ka dhigtaan degmada Zaylac, po ku taalla Galbeedka Somaliland, gaar ahaan xeebta waqooyi ee gobolka Awdal.

Wararka ayaa sheegay in Muuse Biixi booqashadiisii 19-kii bishan ku tagey Addis Ababa in lagu go'aamiyay arinta, oo ay heshiis labada dhinac ku gaareen in Qunsulka Itoobiya ee Hargeysa laga dhigo Safiir, halka Somaliland bixinaysa dekadda Zaylac.

Itoobiya ayaa horey saami dhan 19% uga lahayd dakhliga Dekadda Berbera, oo DP World la wareegtay dhowr sano kahor, waxaana muuqata in Somaliland ay bixinaysa qiimo kasta si ay u hesho dalka aqoonsada, kadib markii dhawaan Baarlamanka UK la geeyay dood ku saabsan qadiyadeeda.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya ee looga jawaabayo go'aanka Itoobiya ay ku faragelisay madax-banaanida dalka. Farmaajo ayaa hadda kahor ku faaney inuu soo xiray albaabkii Madaxda Maamul Goboleedyada ka gali jireen Itoobiya kahor inta Abiy Axmed xukunka qabsan 2018.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.