John Mahama oo iska-casilay xilka ergayga dhex-dhexaadinta Soomaaliya

Qoraal uu u diray gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika ayuu ku shaaciyay is-casilaadisa.

Warar Keydmedia Online
John Mahama oo iska-casilay xilka ergayga dhex-dhexaadinta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa iska xasilay xil dhawaan Midowga Afrika u magacaabey oo ahaa ergayga gaarka ee u qaabilsan dhex-dhexaadinta Khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

Warqaddiisa is-casilaadda wuxuu u gudbiyay gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ku wargeliyay inuusan diyaar u ahayn qabashadda howsha loo igmaday kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday inuu yimaado Muqdisho.

Mahama magacaabistiisa waxaa soo dhoweeyay Gollaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, la kulmay taageero la’aanta Dowladda Federaalka oo ku eedaysay inuusan dhexdhaxaad ahayn, oo u janjeero Kenya.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay wiiqayso rajada laga qabo in xal laga gaaro khilaafka doorashadda Soomaaliya, oo markii uu faraha ka baxay Farmaajo ka dalbaday Midowga Afrika in ergay dhex-dhexaadiya usoo diro Muqdisho.

Waxyaabaha DF ka baqeysay ayaa ah in Mahama hadii uu Muqdisho dhex-dhexaadin ka sameeyo ay meesha ka baxayso kaalinta Rooble oo isna markii mas'uulkan lasoo magacaabay iclaamiyay shir uu ku casuumay Madaxda maamullada si loo xaliyo khilaafka doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.