Khayre oo la kulmay Ismaaciil Cumar Geelle

Waxaa kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah, oo siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ku saabsan, iyadoo Geelle uu u sheegay Khayre Jabuuti inay garab taagan tahay marwalba dalka ay walaalaha yihiin.

Warar Keydmedia Online
Khayre oo la kulmay Ismaaciil Cumar Geelle

JABUUTI - Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta oo Isniin ah Madaxtooyadda ku qaabiley Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo shalay booqasho ku tagey Jabuuti.

Si rasmi ah looma shaacin waxyaabaha gaarka ah ee Khayre kala hadlay Geelle, laakiin wararka Keymedia Online helayso ayaa sheegay in labada dhinac ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasadda iyo doorashadda Soomaaliya.

Khayre oo ah Musharax Madaxweynaha ayaa u noqday Jabuuti dalkii ugu horeeyey ee uu ka billaabay ololaha taageeradda ugu raadinayo halgankiisa inuu Madaxweyne ka noqday Soomaaliya 2021.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khayre shaqada ka eryay, isagoo xil ka qaadistiisa u dhacday qaab aan dastuurka waafaqsanayn, maadaama isagoo maqan Mooshin laga keenay kadibna 7 daqiiqadood lagu riday.

Jabuuti ayaa saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhiska dawladnimada dalka, iyadoo sidoo kale ay katirsan tahay dalalka Geeska Africa ee Ciidamada ka joogaan wadanka, kuwaasoo ka qeyb ah AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.