KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kadib markii ay soo gaareen Muqdisho Khamiistii illaa Jimcaha inta badan Musharaxiinta, waxaa Muqdisho ka billowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashadda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay si gaar gaar ah kulamo ugu qaatey Muqdisho Mushariixinta mucaaradka, oo lagu wado inuu maanta kulan uga furmo Caasimadda, kaasoo uga wadahadli doonaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan gudiyadda uu magacaabey Rooble.
Xasan Cali Khayre ayaa saacado kadib markii shalay uu soo gaarey Magaaladda, la kulmay xalay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waxayna kulamada ahaayeen kuwa la isku cafiynayay maadaama labada Madaxweyne ay dhibaateysan xukuumadiisii.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa hogaaminaya Madasha Xisbiyadda Qaran oo kulmisay 6 xisbi siyaasadeed, oo la filayo inay ku midoobaan hal musharax oo kursiga Madaxweynaha ugu tartami doono, lama oga qofkuu noqon doono, laakiin Sheekh Shariif ayaa la hadal-hayaa.
Khayre oo horey u sameysan saaxiibo siyaasadeed, ayaa hadda u muuqda inuu dadkiisa dhinac ka raacay, oo ku biiray dhinac mucaaradka Farmaajo, isagoo ah Musharax si fiican isku soo diyaariyay oo isha lagu hayo Febuary 8.
Farmajo wali kuma dhawaaqin musharaxnimadiisa, laakiin waxay wararku sheegayaan inuu mar labaad kursiga u tartami doono, iyadoo uusan haysan sanadkan taageeradii 2017, taasoo hoos u dhacday afartii sano ee uu xilka hayay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.