Kulankii Rooble iyo Deni oo natiijo la’aan kusoo dhamaadey

Rooble waa Ra'iisul Wasaare waqtiga uu haysto aad uga yar yahay shaqooyinka laga sugayo, waxaana dadku is-waydiinayaan "ma awoodaan inuu wax ka bedelo mowqifka Farmaajo ee doorashadda"?.

Warar Keydmedia Online
Kulankii Rooble iyo Deni oo natiijo la’aan kusoo dhamaadey

GAROWE, Soomaaliya - Waxaa la isku mari-waayay qodobadka kulankii Maanta Madaxtooyadda Puntland ku yeesheen Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni oo aad u difaaca Axmed Madoobe.

Dad ku dhaw kulanka ayaa u sheegay Keydmedia Online in labo arrimood oo Deni Miiska wadahadalka soo saarey uu ka biyo diiday Rooble, kuwaasoo kala ah in marka hore Ciidanka DF Gedo laga soo saaro iyo in shaqooyinka ay wadaan gudiyadda lagu mursan yahay ee doorashooyinka la hakiyo inta heshiis laga gaarayo.

Rooble ayaa ka dalbadey Deni in inta aan la qaban kulanka DF iyo Maamullada uu soo diro xubnaha Puntland ugu matelaya gudiga doorashadda heer Maamul goboleed, si loo sii wado shaqada diyaarinta doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Deni uu diiday dalabka Rooble, iyadoo markii la isku mari-waayay kulanka lagu kala tagey madasha, waxaana suurta-gal ah inay markale kulmaan ama Ra'iisul wasaaraha isagoo fara-maran kasoo tago Garowe.

Kulanka waxaa Rooble ku wehliyay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/risaaq oo Majeerteen ah, halka Deni uu la fadhiyay ku xigeenkiisa Axmed Karaash oo isna reer Sool ah.

Puntland iyo Jubbaland ayaa isku duuban, waxayna meel uga soo wada jeesteen Farmaajo, oo ay ku eedeeyeen inuu jebiyay heshiiskii doorashadda Sep 17 lagu galay Muqdisho, oo ahaa in laga wada shaqeeyo qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, oo loo wada dhan yahay.

Wararka ayaa sheegayaan in Rooble uu tagi doono Kismaayo marka uu kasoo laabto Puntland iyo Galmudug, hadii uu socdaalkiisa fashilmo waxay ka dhigan tahay inuu Farmaajo ku dhaqaaqi doono qorshihiisa inuu qabto doorasho isaga iyo kuwa u camiraya ku tartamaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.