KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Doorashadda socota waxay noqotay midii ugu musuq-maasuqa badnayd abid oo ka dhacda Soomaaliya, iyadoo ay noqotay magacaabis oo qofkii la rabo kusoo baxayo.
BAYDHABO, Soomaaliya - Jeneraal Mahad C/raxmaan [Shub], oo ah taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa Maanta Xildhibaanimo loogu doortey magaaladda Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.
Taliye Shub ayaa ku guuleystay si fudud tartanka kursiga Hop172, oo horey ugu fadhiyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen, oo uu qabo Gabadhiisa.
Markii hore waxaa la hadal hayay inuu Lafta-gareen isaga kursiga dib ugu fariisan doono, si uu ugu tartamo xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, balse taasi hadda wax ka iska bedelay.
Warar ayaa sheegaya in taliye Shub naftiisa uu u yahay Fahad Musharax Gudoomiyaha Baarlamaanka, si loo afduubo Xildhibaanada codadkooda doorashadana ugu soo baxao MW hore Farmaajo.
Doorashadda socota waxay noqotay midii ugu musuq-maasuqa badnayd abid oo ka dhacda Soomaaliya, iyadoo ay noqotay magacaabis oo qofkii la rabo kusoo baxayo.
Illaa hadda waxaa la doortay 235 kursi, waxaana dhiman 40. Koonfur Galbeed, Somaliland, Galmudug ayaa soo afjaray doorashadda dhankooda, halka Puntland, HirShabeelle iyo Jubbaland ay ku dhiman tahay kuraastii ugu adkayd oo khilaafka taagan.
Cidii Maanta dhaafisa doorashadda, waxay khatar ugu jirtaa inay gasho liiska madaxda Mareykanka xayiraadda safarka kusoo rogay, oo magacyadooda la shaacin doono dhawaan, sida KON ogaatey.
KEYDEMDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.