Madax Sare oo ka qeyb-gashay aaska Shaafi Raabi

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa oo ay wehliyeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo Saraakiil kale ayaa ka qeybgalay salaadii Janaazadda ee lagu tukadey meydka.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya -  Meydka Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo shalay lagu dilay qarax Is-miidaamin ahaa oo lagula eegtay banaanka Masjid ku yaalla Kismaayo ayaa maanta lagu aasay duleedka magaaladda.

Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska. Axmed Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa .

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.