Mareykanka oo ka hadlay Qaraxii Kismaayo

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in aad uga xun tahay, islamarkaana ay cambaareynayso weerarka argagaxiso, ee lala bartilmaameedsaday dad Muslim ah oo Masjid kasoo baxay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartey Maanta ku sheegtay in tacsi u dirayso qoysaska iyo saaxiibadda dadkii shalay lagu dilay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay magaaladda Kismaayo.

"Soomaaliya waxay waysay hogaamiye ganacsi oo weyn Shaafici Rabi Kaahin. Waxaan cambaareyneynaa weerarka argagixiso ee ka dhacay goob cibaado," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartey Safaaradda Maanta oo Sabti ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.