Maxaa ka jira Kufsiga la sheegay in Gabdho loogu geysto Villa Somalia?

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey soo baxayey warar sheegaya in haweenka qaarkood kufsi loogu gaysto gudaha Madaxtooyada.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka jira Kufsiga la sheegay in Gabdho loogu geysto Villa Somalia?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafey baraha bulshadda, gaar ahaan Facebook wareegayay muuqaallo ay soo dhigtay Farxiyo oo kamid ahaan jirtay taageeriyaasha Farmaajo, taasoo hadda isku bedeshay mucaaradka.

Muuqaaladeeda ayay ku sheegtay Haweeneydan in ay ka badbaaday isku day kufsi, oo ay kula kici rabeen rag xilal ka haya Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aan soo bandhigin wax caddeymo ah. Farxiya ayaa ku doodaysa in ragga rabey inay kufsadeen ay u balan-qaadeen in lala kulansiinayo Farmaajo.

Gabadhan ayaa xustay in ay sidoo kale jiraan Gabdho badan oo dhibane u ah shaqaalaha Mdaxtooyada dalka oo sida ay sheegtay kula kaca xad-gudubka dhanka jinsiga, gaar ahaan ragga xilalka haya iyo Farmaajo baratakoolkiisa.

Keydmedia si madax-banaan uma xaqiijin karto warkan. Saraakiil katirsan Xafiiska Farmaajo oo KON la xiriirtay waxay beeniyeen inuu jiro Kufsi ka dhacay Villa Somalia.

Farxiya ayaa tilmaantay in haweenkan oo ay ku jiraan kuwa qurbajoog ah, loo kireeyey hotel-ka Sayidka, iyadoo habeen walba mid loo yeerto, waxaana lagu wargaliyaa arrin been abuur ah oo ku wajahan in lala kulan siinayo hoggaanka waqtigiisu dhacay ee Farmaajo iyo balan-qaad shaqo.

Sida ay sheegayso Gabadhan baraha bulshadda kasoo hadashay Haweenka la dhibaateeya ayaa isugu jira Qurba-joog iyo Qaran-joog, kuwaasoo lagu soo xero geliya in la siinayo xilal kala duwan oo uu ku jiraan kuraas Xildhibaanimo, taasoo hadii run tahay noqonaysa arrin walaaceeda leh.

Fadeexadan ay Farxiya wado, ayaa noqotay mid hadal heyn badan ka dhex dhalisay dadka Soomaalida, kuwaasoo baraha bulshada ku faaqidaya tacadiga xanuunka leh ee laga soo werinayo Xarunta dalka laga xukumo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.