Maxaa dhici kara hadii Farmaajo Villa Somalia sii joogo?

Farmaajo isna waxaa lagula taliyay maadaama mudo-xileedkiisu dhamaadey inuusan dastuurka ku xadgudbinm taasoo u uku wayn karo mudnaanta in loogu yeero madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Maxaa dhici kara hadii Farmaajo Villa Somalia sii joogo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la filan karaa hadii MD hore Farmaajo xukunka isku sii dhejiyo dagaal, fowdo, nidaam la’aan iyo dowladnimada inay meesha ka baxdo, oo lagu dagaalamo awoodda iyo talada Soomaaliya.

Muddo 4 sano ah Faramajo wuxuu ku guuldaraystay inuu dalka u diyaariyo doorasho, inu la heshiiyo Maamullada, taasoo C/kariin Guuleed ugu magacdaray “Afartii sano ee Siyaasaddii ismoog 2017- 2021"

Waa nin nidaamkii kaligii-taliska inuu soo celiyo rabo, aadna uga shaqeeyay inuu kala diro nidaamka federaalka oo la qaatay si gobol gobol la isagu keeno, kadibna loo mideeyo dowladnimada Soomaaliya.

"Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Musharixiinta waxay ugu baaqeen Ciidamada qaranka in aysan qaadan amarka Farmaajo, ayna ilaaliyaan amniga, sharciga iyo kala dambeynta inta laga soo dhisayo dowlad cusub oo shacabka heshiis ku yahay.

Farmaajo isna waxaa lagula taliyay maadaama mudo-xileedkiisu dhamaadey inuusan dastuurka ku xadgudbinm taasoo uu ku wayn karo mudnaanta in loogu yeero madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdishu aad bay u soo dhaweeyeen inuu dhamaado waqtiga Farmaajo, waxaana Ciidanku hawada u ridayeen xalay rasaas, iyagoo u dabaaldegaya dhamaadka nidaamkii kaligii-taliska.

Waxaa dhici karta in Farmaajo xoog iyo qasab looga soo saaro Madaxtooyadda, hadii uu diido inuu awoodda ku wareejiyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, oo sida uu dhigayo Dastuurka sii ahaanaya Madaxweynaha kumeelgaarka inta mid cusub laga dooranayo.

Si kastaba ha noqotee, welwelka la qabo maalmaha soo socda ayaa ah amni darrada oo sii baahda iyo Al-Shabaab oo ka faa’idaysata, siina wadi doonto weeraradeeda Muqdisho iyo meelaha kale ee dalka.

Farmaajo wuxuu taariikhda dalka ka galay baal-madow, wuxuu qabey ciil siyaasadeed tan iyo heshiiskii Kampala 1. Madaxda Maamul Goboleedyada, Bulshadda Rayidka iyo Musharixiinta ayaa looga baahan yahay inay Soomaaliya samatabixiyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.