KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
CC Warsame waa shaqsi aad u mucaarada Farmaajo, waxaana uu shantii sano ee lasoo dhaafay kula jiray dagaal xoogan oo siyaasadeed, kaasoo keenyay in la isku dayo in la dilo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isha lagu wada hayaa doorashadda berri ka dhacaysa Dhuusamareeb, taasoo micna gaar ah u yeelay labo Musharax oo kamid ah kuwa tartamaya.
Liiska waxaa ku jira C/raxmaan C/shakuur, oo ah mucaaradka ugu weyn Farmaajo iyo Kulane Jiis, oo isna Kooxda Fahad Yaasiin katirsan, kuwaasoo u kala tartamaya Hop138 iyo Hop40.
Labada Musharax oo kasoo safray Muqdisho ayaa Dhuusamareeb u tagey doorashadda, iyagoo wata Ciidamo difaac isagu jira, kuwaasoo xalay iska hor-imaad ku dhexmaray magaaladda.
CC Warsame ayaa u tartamaya kursiga Hop138, halka Kulane Jiis uu isku soo sharaxay kursiga Hop40, waxaana la filayaa in labada Musharax ay kusoo baxaan doorashadda berri.
Villa Somalia ayaa xoog iyo waqti badan ku bixisay inay kahor istaagto CC Warsame inuu Xildhibaan noqdo, waxayna doonaysay in kursigiisa lagu daro qoondada Haweenka ee 30%.
CC Warsame waa shaqsi aad u mucaarada Farmaajo, waxaana uu shantii sano ee lasoo dhaafay kula jiray dagaal xoogan oo siyaasadeed, kaasoo keenyay in la isku dayo in la dilo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.