Maxay ahaayeen Qaraxyadii Maanta laga maqlay Muqdisho?

Xerada AMISOM ee Xalane ayaa laga maqlayay qaraxyada, kuwaasoo markii dambe la ogaadey inay ahaayeen hubka Ciidanka Midowga Afrika tijaabinayay.

Warar Keydmedia Online
Maxay ahaayeen Qaraxyadii Maanta laga maqlay Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Jugta qaraxyo waaweyn, oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho ayaa cabsi ku beeray shacabka, maadaama ay jireen digniino la xiriira weeraro Al-Shabaab.

Xafiiska warqabadka Keydmedia ee Muqdisho, ayaa baaritaan ku sameeyay qaraxyada, waxaana wariyeyaasha KON kusoo waramayaan inay ahaayeen hub culus oo AMISOM tijaabinaysay.

Dad badan oo ku nool nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ayaa u maleeyay inay hoobiyeyaal kusoo dhacayaan xerada Xalane ee AMISOM, oo horey dhowr jeer madaafiic Al-Shabaab ugu soo riday.

AMISOM dadka kuma waregliso marka ay tijaabada hubka sameynayso ama ay qarxinayso bambooyinka laga so qabtay Al-Shabaab, taasoo markasta abuurta dareen cabsi iyo argagax amni.

Xerada Xalane waxaa sidoo kale tijaabooyin hub ka sameeya Ciidanka Mareykanka uu tababarey ee Alpha Group iyo Gaashaan, kuwaasoo meel u dhaw Garoonka dhanka badda layli ku sameeya.

Dadka Muqdisho waa dareen ku joog, oo mar kasta filanaya qarax, maadaama nolol maalmeedkooda uu qeyb ka noqdey oo mudo sanado ah usoo joogeen weeraro dad badan ku dhinteen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.