Maxay tahay Shuruudda EU-da ku xirtay sii wadida maalgelinta AMISOM?

Howlgalka AMISOM ayaa billowdey January 2007, waxaana qeyb ka ah dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo Ciidamo badan ku yaboohay.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay Shuruudda EU-da ku xirtay sii wadida maalgelinta AMISOM?

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa shuruud adag ku xiray sii wadida maalgelinta Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo mudo 15 sano ah ka jiray dalka Soomaaliya.

Josep Borrell Fontelles, oo ah Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa sheegay in aanu maalgelin doonin Hawlgalka illaa laga bedelo qaab dhismeedkiisii ​​hore ee xoogga saarayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shuruudda Midowga Yurub ayaa ah in Howlgalka looga baahan yahay inuu hadda kadib xoogga-saaro dib u dhiska hay’adaha dowliga ee Soomaaliya, si loo gaarsiiyo dalka heer isku-filnaan ah, oo nidaamka ka jira awood u leh inuu mas'uuliyadda amniga qaranka la wareegi kara.

Ma doonayno inaan meel cidla ah uga tagno Soomaaliya. Ma dooneyno inaan joojino maalgelinta AMISOM, laakiin waxaan u baahanahay inaan dib u eegis ku sameyno howlgalka, si aan u xaqiijino natiijooyin wanaagsan," ayuu yiri Fontelles, oo wareysi siiyay wargeyska The East Africa.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay khatar ugu jirto inay Al-Shabaab la wareegto, hadii aan la diyaarin Ciidamo qaran oo tayo leh, oo AMISOM markii ay ka baxdo dalka, kala wareegi kara mas'uuliyadda amniga meelaha ay joogaan, ee Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sameeyay sanadkii 2007-dii, waxaana Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu siiyay amar ay ku hawlgalaan. Midowga Yurub wuxuu bixiyaa boqolkiiba 90 miisaaniyadiisa hawlgelka.

Howlgalka AMISOM ayaa waxaa qeyb ka ah Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo Ciidamo badan ku yaboohay.

Sanadkii 2017, Midowga Yurub ayaa joojiyay bixinta dhaqaalaha uu siin jiray AMISOM, isagoo sabab uga dhigay fashilka dhanka la dagaalanka Al-Shabaab, oo 15 sano looga adkaan waayay Kooxda oo haysata 7,000 oo dagaalyahan, halka Ciidanka Midowga Afrika ay ka badan yihiin 20,000, oo usii dheer kuwa dowladda oo intaasi ka badan.

Bishii March 2021, Keydmedia ayaa soo qortay Warbixin ku saabsan Musuq-maasuq lagu helay Taliska AMISOM iyo Madaxda Midowga Afrika ee fadhiya Addis Ababa. [Halkan ka akhriso]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.