Maxay u kordheen Weerarada Al-Shabaab ee G/Galgaduud?

Galgaduud waxaa saldhigyo ku leh Kooxda Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka.

Warar Keydmedia Online
Maxay u kordheen Weerarada Al-Shabaab ee G/Galgaduud?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Tan iyo markii Qoor-Qoor noqday Madaxweynaha Galmudug billowgii sanadkan, waxay Al-Shabaab labo jibaartay weerarada degaanada Galmudug.

Galmudug ma lahan Ciidan difaaca, waxay illaa hadda ku tiirsan tahay kuwa dowladda Federaalka oo dhinac amniga ka caawiya, iyadoo meesha laga saarey Ahlu Sunna oo Al-Shabaab uga adkaaatey dagaalkii Galgaduud kula gashay 2009 illaa 2010.

Dhawaan ayaa Baarlamaanka Galmudug ansixiyay sharci lagu aas-aasayo booliska Maamulka, waxaana shaqadaasi loo xil-saarey Wasaaradda Amniga oo uu hogaaminayo Axmed Maclin Fiqi, Xildhibaan hore oo BF katirsanaa.

Intii Ahlu Sunna maamulaysay Dhuusamareeb iyo Guriceel, Al-Shabaab iskuma dayin marna inay weerar kusoo qaado degaaanada Ururka gacanta ugu jira, maadaama dhanka dagaalka looga adkaadey.

Tan iyo bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa in ka badan 5 weerar ku qaadey Dhuusamareeb, iyadoo duqeysay Garoonka diyaaradaha magaaladda, oo ah isha dhaqaale ee Galmudug, oo kaabiyaasheeda dhisnayn.

Wararkii ugu dambeeyay ee KON ka heshay gobolka, ayaa sheegaya in qarax miino oo askar ku dhinteen in Ciidanka DF lagula eegtay degaan lagu magacaabo Sinna-dhaqo, oo ku dhaw Dhuusamaareeb.

Al-Shabaab ayaa wado shirqoollo amniga ay ku qal-qal gelinayso, waxaana ujeedka Kooxda uu yahay inay dib ula wareegto magaalooyinkii Ahlu Sunna ka qabsatay 10 sano kahor, kuwaasoo muhiim u ah isku xirka howlgalladeeda Koonfur iyo waqooyi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.