Mucaaradka oo kala fur-furaya taageerayaasha Farmaajo

Xilliyada marxadaha kala guurka ah ee dalku galo ayaa sabab u noqdo kala aragti duwanaashaha siyaasiyiin horey saaxibo u ahaa, oo u wada ordaya Kursi.

Warar Keydmedia Online
Mucaaradka oo kala fur-furaya taageerayaasha Farmaajo

Muqdisho, Soomaaliya – Xilli dalku galay marxalad siyaasadeed oo cakiran iyo kala guur ]Transitional period], ayaa durbaba waxaa bilowday kala aragti duwaanashaha dhanka Siyaasadda ee taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo, oo hadda gabalkiisa sii dhacayo.

Xubno badan oo ka tirsanaa kooxaha taageera Farmaajo ayaa haatan isaga tegay, halka kuwa kalena ay ku biirayaan dhinaca ka aragtida duwan, maadaama dalku gelayo olole doorasho iyo jawi Siyaasadeed oo cusub.

Warar ay KEYDMEDIA ONLINE ay haleyso ayaa sheegeya in Cali Maxamed Geedi oo kamid ahaa garbaha taageerayaasha Farmaajo uu haatan ku biiray Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaaminayaan madaxweyneyaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Geedi oo mar soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xiligii dowladdii KMG ee C/llaahi Yuusuf, ayaa laga waayay maalmahaan saaxadda taageerayaasha Farmaajo, isagoo dhowr jeer ka soo muuqday kulamo ay isugu imaanayeen xubnaha ugu cad cad mucaaradka dowladda.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah shaqsiyaadka dhaliishan dowladda, ayaa soo dhigay bartiisa Facebook sawir uu Cali Maxamed Geedi kula jiro xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, isagoo ku dul qoray “Marxalad kala guur ah ayaa lagu jiraa, midnimadiinu waa inoo muhiim, taasoo lagu micneeyay in Geedi iyo Madasha oo kala argti duwanaa hatan midoobeen".

Cali Maxamed Geedi ayaa si indha la'aan ah u taageeri jiray Madaxweyne Farmaajo, isagoo u ahaa gaashaan uu isaga difaaco mucaaradka kasoo jeeda beesha uu ka dhashay ee Abgaal, oo ay ugu horeeyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Tan iyo markii la doortay Farmaajo Feb. 2017 ayaa waxaa la aaminsanyahay in ay jiraan kooxo loo abuuray inay maamulkiisa taageeraan, kuwaasoo ay ka mid yihiin siyaasiyiin xilal hore soo qabtay, iyo kuwa hada haya, kuwaasoo ku midoobay “Xoogaga wadaniyiinta.”

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.