Qarax ka dhacay Boorama

Qaraxan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana argagax geliyay dadka ku dhaqan magaalada, kuwaasoo aan u baran weerarada bambaanooyinka.

Warar Keydmedia Online

Bam gacmeed ayaa xalay lagu tuuray dhismaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kamid ah shaqaalaha. Qeybo ka mid ah darbiyada dhismaha iyo sidoo kale gawaarida la dhigay gudaha ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray burbur aad u ballaaran.

Qaraxan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana argagax geliyay dadka ku dhaqan magaalada, kuwaasoo aan u baran weerarada bambaanooyinka. Booliska Somaliland ayaa bilaabay baaritaan ku aadan weerarka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.