KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Laascaanood ayaa tan iyo 2007 gacanta ugu jirtay Somaliland, waxaana shacabka degaanka ay diidan yihiin Maamulka gooni u goosadka dusha looga keenay, ee lagu qasbayo.
LAASCAANOOD, Soomaaliya - Xiisad ayaa ka taagan Laascaanood maalintii 5aad, iyadoo dadka ku dhimanaya rabshadaha ay tiradoodu gaartey 22 qof, oo dad miisan leh ay ku jiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee Maanta laga helayo magaaladda, ayaa sheegay in hal qof lagu dilay banaanbaxa Maanta, kadib markii Ciidanka Somaliland ay rasaas ku fureen dadka wadadooyinka isagu soo baxay.
Waxay Laascaanood noqotay meel kawaan ah oo maalin kasta lagu ugaarsado dadka hormuudka u ah bulshadda, iyadoo dilkii ugu dambeeyay shalay loo geystay Sheekh caan ah, oo lagu magacaabi jiray Bide Faarax Caalin, oo ka yimid Mareykanka.
Sheekha ayaa la dilay kadib markii Qudbada Salaadda Jimcaha uga hadlay dhibaatada Somaliland kawado Laascaanood, iyadoo dilkiisa uu sii kiciyay carada dadka ka qaadeen dilka Siyaasi maalmo kahor la dilay oo Hadraawi Sangub lagu magacaabi jiray.
Isbitaaladda magaaladda ayaa dalbanaya dhiig lagu shubo dhaawacyada, oo tirada ka batay, waxaana xaaladda wali tahay mid cakiran, oo ganacsiga uu xiran yahay mudo ku dhaw hal Isbuuc.
Dhanka kale, Ciidanka Puntland ayaa Xalay u jihaystay dhanka Laascaanood, si ay ugu gurmadaan dadka xasuuqa lagu hayo, waxaana la sheegay inay bixitaankooda dhalisay Xiisad dagaal oo u dhaxaysa labada Maamul ee isku haya Sool iyo Sanaag.
Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqey in xaaladda ka dejiyo, islamarkaana Somaliland ay joojiso rasaasta dadka u adeegsanayso, taasoo sababtay dhimashadda in ka badan 20 qof.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.