Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen meydadka raggii miinada aasayay, iyadoo markii dambe goobta ay ka qaadeen Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa ku geeriyoodey miino ay ku aasayeen Isgoyska SOS oo ku qaraxday maanta, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

Waxaa la xaqiijiyay in kuwa ku dhintay qaraxa ay gaaraan illaa 4 kuwaasoo dhamaantood ahaa Al-Shabaab, doonayay inay miino geliyaan jidka si ay ula eegtaan Ciidamada AMISOM oo jidka si joogto ah u isticmaala.

Booliska ayaa sheegay inay meydadka xubnaha Al-Shabaab ay goobta kasoo qaadeen, islamarkaana ay sameeyeen baaritaan dheeraad ah oo lagu xaqiijiyay amaanka wadada oo isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.