Qarax ka dhacay Sh/Dhexe

Gaariga oo ay la socdeen dad shacab ah ayaa waxay miinada kula qaraxday inta u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar, halkaasoo ay maalmahan ku dagaalamaneen Ciidanka DF iyo Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

BALCAD, Soomaaliya - Saraakiisha amniga maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in dhowr qof oo shacab ah ay ku dhinteen, qaarna ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka degaanka Basra, oo shalay Ciidanka DF kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Gaariga ayaa saakay dad rakaab ah kasoo qaadey Muqdisho, wuxuuna kusii jeeday Jowhar, oo ah Caasimadda gobolka Shabeellaha Dhexe. Lama oga cid jidka gelisay Miinada, balse kooxda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.