Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Afgooye

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in miinada lagu aasay gudaha Suuqa Xoolaha ay qaraxday Saakay xili dadka ay ku mashquulsanayeen xoolo kala iibsashadda.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Afgooye

AFGGOYE, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu diyaariyay goob ay Ciidanka dowladda Canshuurta ku qaadaan oo guda Suuqa katirsan, waxaana qaraxa kadib xirmay ganacsigii socday iyadoo dadku ay kala carareen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocan ah ka fulisa degmada, oo kamid ah meelaha laga ilaaliyo amaanka magaaladda Muqdisho, maadaama 30-KM u jirto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.