Qaraxyo ku jira Gudaha Muqdisho

Qaraxyadan ayaa la sheegay in gudaha caasimadda soo galeen bilawgii bishan, markaasoo tiradoodu ay ahayd ilaa 11, waxana ilaa iminka dhacay 3 halka 8 kalana ay harsan yihiin.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo ku jira Gudaha Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay sheegayaan xogaha ay helayaan laamaha amniga DF, waxaa gudaha Caasimadda ku jira ku dhawaad 8 qarax, kuwaasoo lala damacsan yahay in lagu weeraro huteello caan ah iyo xarrumo dowladdeed.

Dadka Muqisho ayey arrintan argagax weyn ku beertay markii ay ogaadeen, iyadoo lagu hadal-hayo goobaha ay bulshada isugu timaado iyo baraha bulshadda.

Qaraxyadan ayaa la sheegay in gudaha Muqdisho lasoo galiyay bilawgii bishan, markaasoo tiradoodu ay ahayd ilaa 11, waxaana lagu fuliyay weerar 3 halka 8 kalana ay harsan yihiin.

Inkastoo aan si toos ah loo shaacin halka lagu hayo qaraxyada, misana xubno ka tirsan Hay'adaha amniga ayaa fariintan gaarsiiyey qeybaha bulshada, si ay u muijyaan feejignaan.

Waxaa durbadiiba yaraaday dhaqdhaqaaqa shacabka Magaalada, iyadoo qof walba uu isku dayayo inuu ka badbaada dhibaatada qaraxyada, ee aan la ogayn waqtiga ay dhacayaan.

Marka laga yimaado  qeyb kamid ah shacabka oo guryahooda ku nagaaday, filashada qaraxyada ayaanan saameyn ku yeelan ganaciga, iyadoo la ogsoon yahay in shacabka ay qaraxyada wehel u ahaayeen 11-kii sano ee ugu danbeysay, islamarkaana yihiin kuwa muujiyey dhabar adeeg fara badan.

Qaraxyada ismiidaaminta ee ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan waxyeelo u gaysta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, kuwaasoo qaraxyada ka dhaxla khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.