Rag qeyb ka ahaa weerarkii Westgate oo dembi lagu helay

Maxkamadda ayaa xukun ku ridi doonto raggan 22-ka October, 2020.

Warar Keydmedia Online
Rag qeyb ka ahaa weerarkii Westgate oo dembi lagu helay

NAIROBI - Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa ku heshay labo eedeysane oo ka tirsan Al-Shabaab dambi ah inay maleegayeen isla markaana ka qeyb qaateen weerarkii argagixiso ee sanadkii 2013 ka dhacay Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen 67 qof.

Garsooraha Maxkamada sare Francis Andayi ayaa sheegay in Maxamed Axmed iyo Xuseen Xasan Mustafa inay galeen dambigan, islamarkaana la helay caddeymo.

Maxkamadda ayaa si kastaba ha ahaatee wax dambi ah ku weyday eedeysanaha saddexaad Liibaan Cumar.

Eedeysanaha afaraad, Aadan Deeq ayaa sidoo kale dambi lagu waayey 2019.

Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan ay xukun ku ridi doonto 22-ka bishan October.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.