KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Maamulka Somaliland ayaa raadinaya aqoonsi mudo 30 sano ah, iyadoo wali aan jirin hal wadan oo aqoonsaday tan iyo 1991.
HARGEYSA, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Hargeysa gaarey wufuud kala duwan oo ka socota Africa, kuwaasoo la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa saacadihii hore ee saakay tagey Hargeysa, waxaana qaabiley Muuse Biixi.
Waxaa sidoo kale ka degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau oo lagu magacaabo Baciro Dja oo qeyb ka ah mas'uuliyiinta lagu casuumay furitaanka dekadda Berbera, oo DP World ballaarin iyo casriyeyn ku sameysay.
DP World ayaa maalgashi xoog leh ku sameysay Dekadda Berbera kadib markii laga soo eryay Jabuuti oo laga joojiyay heshiiskii ay uga shaqeynaysay Dekadda Doraaleh sababo la xiriira inay Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka isku dayday inay bixiso laaluush si qandaraaska loogu kordhiyo.
Waxay hadda DP World wadaa dagaal ay ku burburinayso dhaqaalaha Jabuuti, iyadoo doonaysa inay Dekadda Berbera ka dhigto albaabka Geeska Afrika, waxaana isticmaali doono maraakiibta waaweyn ee Xamuulka qaada.
Itoobiya oo aan lahayn wax bad ah, islamarkaana ay ku noolyihiin 100 milyan oo qof ayaa isticmaali doono Dekadda Berbera, waxaana la dhisayaa wadada Wajaalle oo heshiis dhawaan DP World kula gashay dowladda Itoobiya, waxaana mashruucan ku baxaya 1 bilyan dollar.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.