RW Rooble oo 41 kursi u boobaya Farmaajo

Farmaajo, ayaa hore u diiday in 16-ka kursi ee taalla Garbahaarrey loo wareejo Kismaayo, hayeeshee, sida xogtu tilmaameyso dhibaato kuma qabo, haddii 25 kursi ee Baladweyne loo wareejiyo Jowhar.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo 41 kursi u boobaya Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliaya -  Keydmedia Online ayaa heshay xogo muujinaya in Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, uu wado dadaallo uu ku doonayo inuu 41 kursi oo Golaha Shacabka katirsan u gacan galiyo Farmaajo, taasoo caqabad hor leh ku noqon karta hannaanka hirgelnta doorashooyinka dadban.

Rooble, ayaa doonaya in kuraasta Aqalka hoose ee loo asteeyay in doorashadoodu ka dhacdo, Baladweyne iyo Garbahaarrey loo soo wareejiyo Caasimadda MUQDISHO, si Kooxda Farmaajo loogu fududeeyo boobka kuraasta.

Sida ay xoguhu caddeynayaan, qodobbo uu Rooble, fulintooda ku soo saxiixay Dooxa, safarkii uu dhawaan ku tagay Qatar, ayay qeyb ka yihiin in 25-ka Kursi ee taalla Baladweyne iyo 16-ka Garbahaarrey lagu doorto Muqdisho.

Doorashada kuraasta Aqalka hoose, ayaa la qorsheeyay in ay ka dhacdo 12 degaan doorasho, oo leh 12 xarumo codbixin iyo 18 goobood ee codeynta, taas oo laga hirgelinayo 5 dowlad-goboleed iyo gobolka Banaadir, sida ku cad Qorshaha howl-galka doorashada Golaha shacabka.

Hayeeshee, Rooble, ayaa qodobbadaas u jabin doona ka shaqeynta danaha Farmaajo, kaas oo hore Qoorqoor iyo Lafta-gareen u boobeen kuraasta Golaha shacabka, ee ilaa hadda ka soo baxay Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

Fahad Yaasiin, ayaa ka mid ah shaqsiyaadka la doonayo in loo boobo kuraasta, hayeeshee, degaan doorashadiisa oo ah Baladweyne, ayaa loo arkaa caqabad weyn, maadaama bulshada Hiiraan, ay muddo dheer ka tabanayeen falal gurracan oo uu Muqdisho ka abaabulay.

Kursiga HOP86, oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Xildhibaan Farax Sheekh Cadulqaadir, wuxuu ka mid yahay kuraasta taalla Baladweyne, Fahad Yaasiin ayaa doonaya inuu boobo, wuxuuse khatar u arkaa tagitaankiisa Baladweyne, oo ah magaalo ay deggan yihiin ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo gacantiisa ku maqan.

Madoobe iyo Guudlaawe, ayaa mucaaradad xooggan kala kulmay labada magaalo, waxayse, doonayaan in doorashada kuraasta loo wareejiyo Xarumaha maamullada ee Kismaayo iyo Jowhar.

Farmaajo, ayaa hore u diiday in 16-ka kursi ee taalla Garbahaarrey loo wareejo Kismaayo, hayeeshee, sida xogtu tilmaameyso dhibaato kuma qabo, haddii 25 kursi ee Baladweyne loo wareejiyo Jowhar.

Heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 27-ka May 2021 ee doorashada, ayaa hore loogu tuntay, waxaana si fudud qodobkaan aaminsan inuu u hirgalin karo Rooble, oo ka shaqeynaya soo laabashada Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.