Safiirka Itoobiya oo dhaq-dhaqaaq kawada Muqdisho

Tan iyo bishii hore, wuxuu Safiirka la kulmay dhowr Madaxweyne Maamul Goboleed, isagoo safaro ku tagey magaalooyin ay Baydhabo kamid tahay.

Warar Keydmedia Online
Safiirka Itoobiya oo dhaq-dhaqaaq kawada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya C/fitaax C/llaahi Xasan ayaa sameynaya dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo uu la yeelanayo madax kala duwan.

Waxuu Maanta la kulmay Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Guudlaawe oo hoygiisa ku booqdey, waxayna kawada hadleen la dagaalanka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Safiirka ayaa u sheegay Guudlaawe inay Itoobiya diyaar u tahay inay ka taageerto dhanka amniga, maadaama HirShabeelle xuduuda ku taalla, oo dhanka Feer-Feer ee Gobolka Hiiraan.

Tan iyo bishii hore, wuxuu Safiirka oo sanadkii hore lasoo magacaabey la kulmay dhowr Madaxweyne Maamul Goboleed, isagoo safaro ku tagey magaalooyin ay Baydhabo kamid tahay.

Kulankan ayaa imaanaya xili shacabka ku nool Hiiraan ay soo sheegayaan hoos u dhac ku yimid biyaha webiga Shabeelle, nawaaxiga Beledweyne, iyagoo tuhmaya in Itoobiya ay xiratay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.