Taliye sare oo lagu dhaawacy Qarax ka dhacay Gedo

Isniintii lasoo dhaafay taliye katirsanaa Ciidanka dowladda ayaa u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaarey qarax miino oo lagula eegtay duleedka Baardheere.

Warar Keydmedia Online
Taliye sare oo lagu dhaawacy Qarax ka dhacay Gedo

LUUQ, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo C/risaaq Maxamed Daa'uud iyo dhowr askari ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo shalay lagula eegtay meel ku dhaw degmada Luuq, ee gobolka Gedo.

Dhaawaca Sarkaalka ayaa ka dhigay Isbitaalka degmada, waxaana la sheegay in ay jireen askar kale oo waxyeello kasoo gaartey weerarka oo Mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Labo maalin kahor, Taliyihii Ururka qeybta 43 -aad Guutada 10 -aad, Ururka 49 -aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Baardheere Gaanshaanle Maxamed Dheere ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray miino dhulka loogu aasay oo ku qaraxday gawaari uu dadka saarnaa kamid ahaa taliyaha Maalin kahor.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhisay qaraxyada miino xili dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo la isku khilaafsan yahay doorashooyinka oo waqtigoodii loogu tala-galay in la qabto dhaafey.

Jubbaland ayaa war kasoo saartey weerarkii shalay ka dhacay nawaaxiga Luuq ee lagu dhaawacay taliyaha iyo askarta la socotay, iyadoo ugu baaqdey shacabka inay qeyb ka qaataan ciribtirka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.