Taliye Xijaar oo Xil ka qaadis ku sameeyay Taliyeyaal Saldhig

Taliyaha ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka, Genaral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday taliyeyaal ciidanka booliska gaar ahaan saldhigyada degmooyinka, sidoo kalena wuxuu soo magacaabay kuwa cusub oo lagu baddalayo.

Warar Keydmedia Online
Taliye Xijaar oo Xil ka qaadis ku sameeyay Taliyeyaal Saldhig

MUQDISHO - Soomaaliya: Wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha booliska Gen. Cabdi Xasan Xijaar  ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyaha saldhigga ciidamada Booliiska degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana xilkaas loo magacaabay, Cabdicasiis Axmed Baashane oo horey u soo noqday taliyaha saldhigga degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Taliye Baashane horay ayaa xilka looga qaaday, kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday mid kamida Hoteelada casriga ah ee saaran xeebta Liido kaasoo lagu magacaabo Elite Hotel ee uu maamulo Xildhibaan kamida xildhibaanada golaha shacabka BJFS, waxaana intaa kaddib soo baxday in hakad la galiyay howsha xil ka qaadista, balse maanta si rasmi ah xilkii looga qaaday.

Waxaa kale oo isna wareegtadan xilkii looga qaaday taliyaha ciidanka Booliiska ee qeybta Bari, waxaana loo magacaabay Gaashaanle Mahad Korow. Taliye Korow ayaa sidoo kale bedalaya taliyihii hore ee degmooyinka Waliyow Cadde ee magaalada Muqdisho.

Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa la faray inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, islamarkaana ay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka iyadoo lagu amray in ay si toosa ula shaqeeyaan laamaha amniga ee loo xil saaray in ay kala shaqeeyaan howlaha amniga ee dagmooyinka loo magacaabay.

Xilka qaadista & magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, saacado uun kadib markii uu xalay taliyaha ciidamada Booliiska uu kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. iyadoo ay magaalada muqdisho ka dhacayaan falal amni darro, waxaana shalay degmada Howl wadaag lagu af-duubtay gabar yar oo 18 sano jir ah taasoo gaari lagu qaatay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.