Toddoba qof oo isku qoys ah oo lagu dilay Waajid

Waxay dadka degaanka ay sheegeen in weerarka uu ahaa mid argagax ku abuuray shacabka, maadaama ay khatar ugu jiraan inay bartilmaameedsato Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Toddoba qof oo isku qoys ah oo lagu dilay Waajid

WAAJID, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ku dishay degmada Waajid ee gobolka Bakool 7 ruux oo ka kooban hal qoys, kuwaasoo isagu jiray hooyo, aabe iyo 4 caruur ah oo ay dhaleen iyo qof marti u ahaa.

Mukhtaar Axmed Xasan, oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid arxan-darro ah, oo argagax geliyay bulshadda ku dhaqan gobolka, iyadoo uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen cambaareeyay.

Madaxweynaha ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqey inay meel uga soo wada jeestaan gumaadka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in hadii laga aamuso Kooxda ay geysanayso dilal iyo qaraxyo nafta bini'aadamka ku goynayso.

Lama oga sababta ay Al-Shabaab u beegsatay guriga, balse Saraakiisha amniga ayaa xusay in ay ka jawaabi doonaan xasuuqa shacabka loogu geystay Waajid, oo kamid ah meelaha laga saarey Al-Shabaab 2014.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab, oo ku saabsan dilka dadka rayidka ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wada howlgallo ay Al-Shabaab uga saarayaan degaanda ay maamusho ee gobolka Bakool.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.