Ciidanka DF oo helay Gaadiid Gaashaaman

Turkiga ayaa ku leh duleedka Koonfureed ee Muqdisho saldhig Military, oo lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu ballaarnaa oo Caalamka ku leeyahay, kaasoo lagu tababaro Askarta Dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Turkiga ayaa 12 gaari oo kuwa gaashaamaan ah ku wareejiyay sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen Odowaa Yuusuf Raage Khamiistii lasoo dhaafay.

Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah, ayaa loogu tala-galay si gaar ah Ciidanka Gorgor ee Turkiga uu tababaray, kuwaasoo ka dhex-muuqda saaxadda dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.