Ujeedka Erdoğan Farmaajo ugu casuumey Turkiga

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Farmaajo, oo hub iyo Ciidan siiyay, kaasoo dalka iyo dowladnimada lagu dumiyay.

Warar Keydmedia Online
Ujeedka Erdoğan Farmaajo ugu casuumey Turkiga

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Maanta u duuley Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay Erdogan.

Waxuu Farmaajo kamid yahay 13 hogaamiye oo African ah oo ka qeybgalaya shir berri ka furmaya Istanbul, oo looga hadlay iskaashiga iyo maalgashiga Turkiga iyo qaaradda Africa.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ah [Dec 17-18], ayaa daba socda shirkii ganacsiga bishii October 2020 kaas oo diiradda lagu saarayay maalgashiga iyo ganacsiga.

Sida ay khubaradu sheegeen madax badan oo Afrikaan ah ayaa raadinayaan inay ka iibsadaan Turkiga agabka military qiimo jaban iyo shuruudo yar, oo ay dalalkooda ku gumaadaan.

Sida ay soo qortay Keydmedia, Turkiga ayaa dhawaan diyaarado drones ah kasoo dejiyay Muqdisho, waxaana wararku ay sheegayaan in Farmaajo uu rabo diyaaradahaas iyo hub kale.

Turkiga ayaa ah dalka ugu weyn ee tababara Ciidanka Soomaaliya, wuxuuna 2017 saldhig ka furtay degaanka Jazeero ee duleedka Muqdisho, kaasoo $5o milyan dhismihiisa ku baxdey.

Askarta Turkiga tababarey ee Gorgor iyo Haramcad waxay toos u hoostagaan Farmaajo, oo 4tii sano ee tagtey u adeegsadey caburinta saxaafadda madaxa-banaan iyo mucaaradka.

Turkiga ayaa aad u daneynaya maalgashiga Africa, iyadoo Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho uu la wareegay Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha oo ah ilaha dhaqaalaha dowladda.

Tirada safaaradaha Turkiga ee Afrika waxay kor u kacday 12 ilaa 43 tan iyo 2002 halka Turkish Airlines ay duullimaadyo ku sameyso in ka badan 60 magaalo, oo Afrikaan ah. Saamiga Afrika ee ganacsiga Turkiga uu la leeyahay waa 6.5 boqolkiiba.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.