Wasiir hore oo ka digay saxiixa heshiisyo Shidaal

Khatarta ka dhalan karta ayaa ah in heshiis mugdi ku jira in Maanta saxiixdo dowladda Farmaajo, berrina aysan ka bixi karin dowladaha ka dambeeyay.

Warar Keydmedia Online
Wasiir hore oo ka digay saxiixa heshiisyo Shidaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Farmaajo, Qoor-Qooor iyo Lafta-Gareen waxay ku heshiiyeen iyaga oo ka faa'iideysanaya xilliga kala guurka dalka uu ku jira inay boobaan kheyraadka, gaar ahaan shidaalka.

Waxay ku heshiiyeen inay si suuq-madow ku iibiyaan shidaalka ku jira aagga badda Hobyo iyo Baraawe, oo ka kala tirsan Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxayna u saxiixayaan Shirkadaha Coastline Exploration Petroleum, oo horey Soma Oil loo oran jiray iyo Liberty.

Shirkadaha mudo wadahadal kula jiray dowladda Farmaajo ayaa qorshuhu ahaa in si qarsoodi ah loogu saxiixo heshiiska Shidaalka Isniinti, hase yeeshee KON waxa ay ogaatay inuu dib u dhac ku yimid dhameystirkiisa kadib fashil ka dhashay ogaanshaha arinkan.

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya dowladda Xasan Sheekh Maxamed Mukhtar Ibraahim, ayaa sheegay in xilligan aysan ahayn waqti ku habboon in dalku galo heshiisyo shidaal, sababo la xiriira in dalka aan ka jirin xasilooni siyaasadeed iyo heshiis bulsho oo ku aadan qeybsiga khayraadka.

“Waqti u fiican oo Soomaaliya ay heshiis shidaal gali garto maaha dhowr arimood daraaddod, sici-ka shidaalka hadda hoos ayuu jiraa, sidaas daraadeed maalgashigiisu sidii hore maaha," ayuu yiri Maxamed Mukhtar.

Wuxuu intaa ku sii daray “Si kalsooni buuxda loo helo waa in dowlad heysata awood sharci oo buuxa ay heshiiskan gasho, sidoo kalana la marsiiyo ha'yadihii uu u bahnaa sida guddiga Maaliyadda iyo maamulka qandaraas bixinta”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.