Weerar hoobiye oo lagu qaadey xarunta KG

Bishii October ayaa sidan oo kale weerar madaafiic ah ay Al-Shabaab ugu qaadey magaaladda, oo ay degan yihiin Madaxda sare ee Koonfur Galbeed.

Warar Keydmedia Online
Weerar hoobiye oo lagu qaadey xarunta KG

BAYDHABO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar hoobiye ku qaadey tuulooyin 15-KM u jirta magaaladda Baydhabo, ee Caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in illaa 4 hoobiye inay ku dhaceen degaanada Guurigaab iyo Gaallooge, kuwaasoo ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka uu hogaamiye C/casiis Lafta-Gareen.

Ciidamada ayaa ku jawaabey madaafiic, iyadoo lagu soo waramayo inay jiraan khasaarooyin kala duwan oo ka dhashay weerarka, inkastoo aan wali la ogeyn inta uu la egyahay, maadaama labada dhinac aysan ka hadlin.

Wixii kusoo kordha, kala soco isla bogga KON.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.