Xasan Sh. oo ka hadlay doorashadda Hirshabeelle

Wuxuu noqday Xasan Sheekh hogaamiyihii ugu horeeyay oo kamid ah Mucaaradka, oo hambalyada u diray madaxda cusub ee lagu doortey maanta magaaladda Jowhar.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo xigeenkiisa, ee maanta lagu doortey magaaladda Jowhar.

"Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka," ayuu ku yiri qoraal uu Twitter soo dhigay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.