Xasan Sheekh, Deni & Xubnaha mucaaradka oo kulmay

Kulankaan ayaa ahaa mid looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo ay haatan isku fahmi la'yihiin qaar ka tirsan madaxda maamulada iyo Mucaaradka. 

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh, Deni & Xubnaha mucaaradka oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu magaalada Muqdisho ka deganyahay ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi oo Muqdisho maalinimadii shalay aheyd booqasho ku soo gaaray. 

Soo dhoweyn kadib waxaa kulan gaar ah wada qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,  Guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran Shariif Xassan Sheekh Aaden, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Xidlhibaan Suleyman Mohamud Hashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cbdirahman Cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan Mohamed Abdirahman Siiriin iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo ay haatan isku fahmi la'yihiin qaar ka tirsan madaxda maamulada iyo Mucaaradka. 

Sidoo kale kulankaan ay yeesheen Jilib culusta Mucaaradka ayuusan ka soo muuqan madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam 'Axmad Madoobe ' isna shalay soo gaaray Muqdisho. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.