XOG: AMISOM oo Saldhig looga sameynayo Magaalada Jigjiga

Lama oga sida Abiy Axmed uga aqbali doonaan dhinacyada uu quseeya howlgalka Midowga Afrika, sida dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Warar Keydmedia Online
XOG: AMISOM oo Saldhig looga sameynayo Magaalada Jigjiga

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la qorsheynayaa in saldhiga ugu weyn geeska Afrika looga sameeyo magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay daabacday majalada Africa Intelligence, Ciidamada AMISOM ayaa ku sii negaan doona deegaanada Soomaalida, gaar ahaan xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaas oo haatan saldhig weyn looga sameynayo.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dagaal kula jiro dawladda Masar oo saldhig Milateri ka sameysaneyso maamulka Somaaliland ayaa la sheegayaa in uu qorshahaan wado, isagoo in muddo ah raadinayay, haseyeeshee uu haatan Jigjiga ka helay.

Wargeyska ayaa sidoo kale daabacay in saldhigaan lagu tababari doono Ciidamada AMISOM ee ka qeyb qaadanaya howlgalka la dagaalanka Al-shabaab, sidoo kalena laga difaaci doono Itoobiya.

Itoobiya waxaa Soomaalya ka jooga Ciidamo badan, kuwaasoo qaarkood ku sugan qeybo ka mid ah gobolada Bay, Bakool, Hiiraan, Gedo iyo Galgaduud, waxaana mararka qaar  dhacda in ciidamo aan wadan Koofiyada cagaaran ee AMISOM ay gudaha dalka soo galaan.

Lama oga ilaa iyo hada waxa laga yeeli doono qorshaha Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ah in uu AMISOM saldhig ka siiyo magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka.

Howlhgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore muddo kordhin lagu sameeyay, waxaana howlgalkaan uu taageero badan ka helaa Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

KEYMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.