Yaa ka dambeeyay Qaraxa Muqdisho? [Sawirro]

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay afar askari ay ku dishay weerarka oo dadka ku dhintay ay u badan yihiin shacab wadada marayay.

Warar Keydmedia Online
Yaa ka dambeeyay Qaraxa Muqdisho? [Sawirro]

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo lala damacsanaa in lagu dilo taliyaha booliska gobolka Banaadir Col Farxaan Qaroole.

War kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay weerarka ku dhinteen 4 askari, islamarkaana ay ku dhaawaceen 5 kale, kuwaasoo kamid ahaa ilaalada amaanka taliye Farxaan Qaroole.

Farxaan Qaroole ayaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxa, maadaama uu ku jiray gaari nooca aan xabada karin [Bullet-proof], wuxuuna xiliga la qarxinayay uu kamid Villa Baydhabo, oo shir uga soo qeybgalay.

Qaraxa ayaa sababay dhimashada dhowr qof oo shacab ah, oo jidka marayay, waxaana ku burburay goobo badan oo ganacsi, iyadoo muuqaalka goobta isku bedelay meel burbursan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.