Shirkada SKA oo la wareegi doonta Dekadda Muqdisho

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo ku dhodhow madaxtooyada ayaa waxa ay sheegayaan in maalmaha soo socda la bedeli doono maareeyaha dekedda muqdisho oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Cali, laguna bedeli doono nin ganacsade ah, ee ka mid ahaa ganacsatadii gacanta ku haysay dekedda macmalka ah ee Ceel-Macaan, oo la yiraahdo Sayid Cali Macallin Cabdi ahna nin ay aad isugu dhow yihiin Abuubakar Cumar Caddaan, Eenow iyo Khadiijo Cosoble.
Maqaallo Keydmedia Online
Shirkada SKA oo la wareegi doonta Dekadda Muqdisho

Madaxweynuhu wuxuu maalmihii la soo dhaafey oo dhan ku mashquulsanaa kulamo uu la yeelanayey odoyaasha beesha Mudulood oo uu doonayey inuu ku qanciyo tallaabadaan uu ku bedelayo maareeyaha dekedda iyo kan cusub, ayagoo labaduba isku jufo hoose isku ah.
Sida ay tibaaxayaan warar hoose ee uu helay Keydmedia.net,  maareeyaha ee dekedda Xasan wuxuu soo bandhigay codsiyo iyo shuruudo uu ku xiray wareejinta xilka, dhamaan dalabkiisana waa la fuliyey..
 
Waxaa intaas dheer in booqashadii u danbeysey ee madaxweynuhu ku tagey Dubai ay ka danbeysey company mareykanka oo dhinacyada sucurity-ga, maamulka dekedaha, shidaalka keenista, iyo ammaankaba ka shaqeeya in la doonayo in lagu wareejiyo maamulka dekedda muqdisho laga bilaabo Janaury 2011, asaguna bedelkiisa uu dawladda u sii hormariyo lacago, wuxuuna bixiyey socdaalkii madaxweynaha ee dubai qeybtii u horeysey lacagtaas.
 
Magacaabista sayid Cali-na waxay hordhac iyo gogolxaar u tahay arintaas ku wareejinta dekedda shirkaddaas ajnabiga ah, taas oo lagu magacaabo SKA (Air & logistics skylink Arabia).... ka fiiri shaqooyinkooda iyo meelaha ay ka soo shaqeeyeen [url=http://www.ska-arabia.com]http://www.ska-arabia.com[/url])
 
Sida la sheegay, saraakiil ka socota shirkaddaas ayaa booqasho ku tagay dekedda Muqdisho bishii June 2010, waxaana socdaalkoodaas uga soo baxay in ay shaqo ka qaban karaan muqdisho.
Shikadda SKA (Air & Logistic skylink Arabia) waa shirkad jrta oo takhasustay arrimaha saadka iyo ammaanka, waxayna ka hawlgashaa meelaha khatarta ah oo ay dagaallada ka socdaan.
Xarunta dhexe ee shirkaddaasi waa Dubai, hase yeeshee waxay ka hawlgashaa xarumana ku leedaha dalalka Ciraaq, Imaaraadka, Kuwait, Afganistan iyo Bariga Afrika, Shirkaddu waxay qaadataa qandaraasyo xagga arrimaha la xiriira ammaanka, saadka iyo gaadiidka. Waxay leedahay leedaha qalab isgaasiin, gaadiid ay ka mid yihiin dayaarado nooc waliba leh iyo ciidan ay u dhan yihiin wixii qalab iyo saanad ah oo ay ku fuliso hawlaheeda.

Shirkadda SKA(Air & Logistic Skylink Arabia waxay la mid tahay shirkadda la yiraahdo Black Water ee ka hawgelijirtay Ciraaq oo qandaraaska ku qaadan jirtay sugidda ammaanka goobaha qaar iyo daad-guraynta saadka sida shidaalka, saanadda iyo alaabada kale.
Haddaba, SKA (Air & Logistics Sky link) ma waxay ku ekaan doontaa maamulka dekadda ; mase waxay qaadan doonta qadaraasyo xagga sugidda ammaanka iyo daadguraynta saadka ? Maxayse saamayn  ku yeelan doontaa dagaallada ka socda Muqdisho?

keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.