Maalinta General Maxamed F Caydiid

Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!

Maqaallo Keydmedia Online

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.

Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!

Nasiib wanaag, Qarniyadaan 20-aad 21-aad waxaa la helay fursado Tegnaloogiyo Qaali ah oo wax la iskugu gudbiyo oo ey kamid yihiin awooda Maqalka iyo Muuqaalka oo Markaas noqonaaya Marag madoonto aan la Mala-awaali Karin, sidaad daraadeednah aan laga been sheegi Karin.

Kudhawaad 30 Sano ayaa Soomaalida waxaa dhexmaray Dagaal iyo Dood aan horay Taariikhdood usoo marin. Keydmedia ujeedadeedu ma ahan inee Tiraahdo Qoladaas ayaa Qaldaneed, Qoladaas ayaa Saxsaneed, ee ula jeedadu waxey tahay oo kaliyah in ey idiin soo gudbiso Maalintaas, Goobtaas wixii ka dhacay iyo sida ey wax u dhaceen. Mid ka xanaaqa iyo Mid ku farxaba waa Dhacdo Taariikhda Soomaaliyeed maalin soo martay.

Horraantii Sannadkii 1991 Bishii Abril 24-dii ayaa Ciidamada USC-da oo Generaal M. F. Xasan Caydiid uu hoggaaminayey ay qabsadeen Magaalada Kismaayo ayadoon xabbadu ka dhicin, qofna lagu dhaawicin hanti Dad leeyahayna lagu bililiqaysan.

Durbadiiba, Caydiid wuxuu sugay nabadgelyada Kismaayo, wuxuuna halkaas ka dhisay Maamul ku meel gaar ah oo difaac iyo sugida ammaanka isugu jira, kadibnah Muqdisho ayuu ku soo laabtay.

Dawladdii Manifesto dhisatay oo ku meel gaarka ahayd oo Cali Mahdi Maxamed Madaxweynaha ka ahaa, Cumar Carte Qaalibna R/Wasaare ka ahaa ayaa taakulayntii iyo saadkii ka goosatay Ciidankii  Kismaayo qabtay, kuwaasoo Muqdisho dib ugu soo huleelay.

Taasu waxay ku timid talo Maanifesto lahayd ee ma ahayn arrin USC-da garabka Caydiid shaqo ku lahayd. In arrintaas ay sidaas Kismaayo uga dhacday waxaa markhaati ka ah raggii Dawladda Manifesto Dhisatay kamid ah sida: Generaal Maxamad Abshir Muuse iyo rag kale.

Kismaayo oo difaac la’aan ah ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Generaal Moorgan, waxayna Tacadiyo Boob iyo Barakicin isugu jira u geysteen  Bulshadii Degaanka Kismaayo dagganaa.

Ciidamadii Moorgan markii ey yimaadeen Baraawo iyo Ariile ayaa Cali Mahdi Maxamed wuxuu mar 2-aad Difaaca Kismaayo la hoosgalay Caydiid, wuxuuna usoo diray ergo ay kamid ahaayeen: Ugaas Cumar Qoorey, G/sare Cumar Xaasi Aadan, Cali Ugaas Cabdulle, C/llahi Gheeddi Shadoor, Xaaji Axmad Raage Cabdi, Cusmaan Axmad Rooble, Kadare, Gurguurte iyo Xiirey Qaasim. Qayladhaanta ergadaasu ay Caydiid ula timid ka daawo Filimkaan maqal iyo muuqaal ahaanba. Waa Dhacdo Taariikheed oo aan marna been laga sheegi Karin.

Dood dheer kadib, Caydiid wuxuu markii ugu horraysey ergadii u timid u kashifay dhacdo dhexmarta asaga, Jen. Maxamed Cali Samatar iyo Jen. Maxamad Siyaad Barre, waxeyna ku saabsanayd Xasuuq, Burburin Beel Degaaneed, sida Degmada Burtinle iyo 70tan Barkadood. Wuxuuna yiri Jen. Caydiid:

Waxaan ahaa Wakiilka Wasaarada Gaashaan Dhiga ee Gobollada Dhexe. Maxamed Cali Samatar oo kaligiis diyaarad la socda ayaa iigu yimid gagida Diyaaradaha ee Dhuusa-Mareeb, halkaas oo aan ku sugayey, wuxuu ii dhiibay warqad xiran oo Madaxtooyada ka socota, oo wadatay saxiixa Maxamad S. Barre. waxaa amar Milatari laygu siiyey inaan duulaan ku qaado Bulshada Rayidka ah oo markaas Mahbar lagu shaabbadeeyey. In sidaas loo galo Bulsho Soomaaliyeed waxay iila muuqatay arrin madhacdo ah. Cali Samatar oo weli ila taagan baan ku iri: “Ma ihi Ninkii fulin lahaa waxa warqadaan ku Qoran

Arrintan waxuu Agaasimaha Keydmedia Mudane Cali Saciid Xasan u Kashifay: Dhallaankii waagaas da’da yarayd, kuwii dhashay waagaas kadib, kuwii Dalka ka maqnaa oo runtu ka dahsoonayd, kuwii wajiga beenta ah wax looga dhaadhiciyey iyo inta ka nool Maamulkii Manifesto oo abuuray khilaafka Siyaasadeed iyo Burkurka Qaran oo taagan ilaa maantada aynu joogno. Ka faa’ideyso Filimkaa taariikiga ah. Maqal iyo Muuqaal waa Marag ma Doonto. 

KEYDMEDIA ONLINE

Qoraalkaan wuxuu markii ugu horeyay kusoo baxay bogga Keydmedia Online 2021




Maqaallo 15 May 2022 8:36

Warsame, wuxuu Lixdankii bilood ee la soo dhaafay, u taagnaa in dalku uusan ka leexan jidka dimuqraadiyadda, in laga baxo cabburinta iyo isku awood sheegashada, isla-markaana meel la iska dhigo siyaasadda kala adkaanshada iyo kala aarsiga.