Xasan Cali Kheyre

Kheyre waa Farmaajo, Farmaajana waa Kheyre!

Maqaallo Keydmedia Online

Saamile, iyo agaasimahii bariga Afrika ee Shirkadda Soma Oil and Gas, oo hadda magaceedii wasaqeysnaa ku beddeshay, Coastline Exploration Limited, shaqsi la soo shaqeeyay  Norwegian Refugee Council, isla-markaana UN Monitoring Group, hore ugu eedeysay in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay Kooxda Al-Shabaab.

Kheyre waa Farmaajo, Farmaajana waa Kheyre!

Waa kuma shaqsigaan, sida ba’an u boobay xoolaha umadda, ee malaayiinta dollar ku xareystay Akoonnada uu ku leeyahay dalalka shisheeye, intii uu ahaa Wasiirka 1-aad? Siduu u falkiyay fidnadii siyaasadeed ee dalka ka aloosneyd shantii sano ee la soo dhaafay?

Waa maxay tagtada siyaasadeed ee u diiwan gashan?, timaaddo ceynkee ah ayuu u toog hayaa?, Ra’iisul Wasaare hore, haddana ah musharrax Madaxweyne, Xasan Cali Kheyre Geedi? Siyaasiga nin-tooxsiga iyo naas-nuujinta la garab taagan shaqsiyaadka dibin-daabyada ku yaha dadkiisa iyo degaankiisa daranyadu dilatay.

Khayre, waxa ay waayihiisa nololeed ka soo billowdeen miyiga degmada Ceelbuur ee bartaha Soomaaliya, halkaasoo uu ku dhashay sanadkii 1968-kii, wuxuu waxbarashadiisa aas-aasiga ah ku qaatay Muqdisho, ka hor inta uusn qoyskiisa ula hayaamin qurbaha 1991-kii, markaas oo dalka laga raacdeeyay Kacaankii iyo Kaligiis-taliye Ina Siyaad Barre.

Wuxuu magan-galyo iyo dhalashadiisa 2-aad ka helay, dalka Norway, halkaasoo uu ku noolaa wakhti dheer, wuxuuna kasoo shaqeeyay arrimaha samafalka, gaar ahaan Hay’adda  Guddiga Qaxootiga Norway ee NRC, ka hor inta uusan u diga rogan Shirkadda Soma Oil and Gas, oo uu ka soo noqday shaqsiga shirkadda ugu sarreeya Bariga Afrika 2014.

Intii uu hoggaanka u ahaa, xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa shirkaddaas lagu eedeeyay musuq iyo wax is daba marin ay ugu horreeyaan heshiisyo been-abuur ah, wuxuuna Kheyre, muddadas lacago xooggan ka sameeyay heshiisyo shidaal oo taliskii Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud u fududeeyay.

Bishii February 2016,  UN Monitoring Group ayaa dalbatay in la baaro hantida Xasan Cali Kheyre, gaar ahaan dhaqdhaqaadiisa xagga cashuuraha iyo lacagaha ugu jira Bangiyada, waxayna ku edeeyeen in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay, faraca Al-Qaacida ee Bariga Afrika Al-shabaab, hayeeshee, Kooxdii Xasan Sheekh ayaa hor istaagtay baaritaankaas.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 23-kii February 2017, Kheyre u magacaabay, Ra’iisul Wasaarihii 19-aad ee Soomaaliya, wuxuuna codka kalsoonida Baarlamaanka helay, 1 Maarso 2017, isagoo xilka kala wareegay, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Kheyre, wuxuu waayihiisa siyaasadda ku billaabay, isla-weyni, amar ku taaklayn, awood sheegad iyo fara-taagtaag, sababtay in la karaahsado maamulkiisa, waxaana saddex sano iyo bar kadib xilka looga tuuray 7 daqiiqo, Jul 25, 2020.

Intii uu xilka hayay, wuxuu galay gabood-fallo waaweyn oo meel ugu qornaan doona dhamaan maalnaha adduunyo ee dhiman, wuxuu qeyb weyn ku lahaa, dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbidhagax], kaasoo 27-kii bishii Agoosto 2017,  loo dhiibay xabashida Itoobiya.

Xasan Cali Kheyre, wuxuu 6-dii September 2017, isugu yeeray Golihiisa Wasiirrada, wuxuu xalaaleeyay dhiibistii Qalbi-dhagax, wuxuuna liiska argagaxisada ku daray Ururka gobonimo doonka ah ee ONLF.

Khyre, si uu u meel mariyo siyaasaddii ay shirkada ku ahaayeen, isaga Fahad iyo Farmaajo, wuxuu burburiyay hay’addii sharci dajinta iyo la xisaabtanka Xukuumadda ee ugu miisaanka cusleyd Laamaha Dowladda, [Golaha Shacabka], wuxuuna awoodda Laanta Fulinta u adeegsaday xil ka raacdeyntii Guddoomiyihii Aqalka hoose, Prof Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], halka uu kala furfuray Aqalka sare.

Isla sanad-kiisii 1aad, Kheyre iyo saaxiibadiis, waxa ay duullan ku qaadeen siyaasiyiinta Mucaaradka, waxa ay xilli saq dhexe ah u dhaceen xarunta Xisbiga Wadajir, halkaasoo lagu xasuuqay ilaaladii xarunta isla-markaana ku dhaawacay hoggaamiyaha Xisbiga, laguna bililiqeystay dhamaan wixii agab iyo maaliyad yaallay xarunta.

Kheyre, Wuxuu ku duulay Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, si uu meesha uga saaro nidaamka federaalka ee dastuurku dhigayo, wuxuuna Baydhabo iyo Dhuusamareeb, ka geystay xasuuq shacab si uu kuraasta ugu sarreysa Galmudug iyo KGS u saaro qabanno isaga iyo Farmaajo u adeega oo aan aqoon hoggaamineed lahayn.

Intii uu xaafiiska joogay, wuxuu meel iska dhigay, matalaaddii 4.5 ee uu u taagnaa, wuxuu caasimadda Muqdisho u baddelay xero labo albaab laga soo galo, wuxuu dhagax ku jaray inta badan jidadkii magaalada, taasoo sababtay shacabku meydka garbaha ku qaataan, hooyooyinkuna waddooyinka ku umalaan.

Kheyre, wuxuu wax ka ogaa in ka badan shan kun oo dhallinyaro ah, oo sifo ka baxsan xeerka ciidan qorista, loogu daabulay Eritrea, - ma dhaheyno, wuxuu qeyb ka ahaa go’aankii dhallinyaradaas looga qeyb galiyay dagaalka Waqooyiga Itoobiya, hayeeshee, KEYDMEDIA waxa ay xaqiijineysaa in xilligii Xamar laga daabulayay uu isagu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Kheyre, wuxuu diiday inuu xitaa hal sadar oo qoraal ah, ugu jawabo hooyooyinka dhalay dhalliyarada ku maqan Eritrea, kuwaas oo muddo sanad ka badan ku barooranaya waddooyinka caasimadda, waa yaabe, yuu doonayaa inuu xukumo?

Marka uu iska fogeynayo ku lug lahaanshiyaha gabood-fallada, wuxuu ku andacoodaa in Farmaajo dhibaatooyinka dhacay masuul ka ahaa, yeelkeede, sidee macquul ku noqon kartaa in Ra'iisul Wasaaraha oo ah shaqsiga labaad ee ugu sarreeya laanta fulinta, uu marqaati indho iyo dhaga la' ka noqdo mushkilado siyaasadeed?. Bal Kheyre, wuxuu toos ugu masuul ahaa, burburintii maamullada iyo Baarlamaanka.

Dadka kheyre dhaliila, waxa ay ku tilmaamaan, shaqsi siyaasadda u soo galay ka ganacsi, waxayna ku doodayaan, in saddex sano iyo bar uu Ra’iisul Wasaare ahaa, kaliya hal sano uu sameeyay xisaab xir, isla-markaana xitaa halkaas sano ay ku maqan tahay lacag ka badan 50 milyan oo dollar.

Kheyre, shanta sano ee uu siyaasadda ku jiro, waxaa lagu bartay, siyaasad aan sal-fadisa lahayn, hadba-geed-fariisi iyo mowqif la’aan, wuxuuna labadii sano ee la soo dhaafay dhowr jeer oo kala duwan dhex sabbeeyay hirer siyaasadeed oo aan isku meel u socon.

Hadda, wuxuu dib ugu laabtay kooxdiisii hore, waxaana ololihiisa hor boodaya koox diimeedka Al-ictisam iyo Dowladda Qatar, waana dhaxal-sugaha cododka Farmaajo helo wareegga 1-aad.

Xasan Cali Kheyre, waxuu qeyb ka ahaa mushkiladda dalka ka aloosneyd shanti sano ee la soo dhaafay, wuxuu ku suntan yahay inta xumaan ee Farmaajo u diiwan gashan, iyadoo ay xusid mudan tahay, in uusan waligiis hor tagid saxaafadda madaxa bannaan iyo shacabka si uu uga jawabo weydiimaha loo qabo.

KEYDMEDIA ONLINE ayaa siisay xafiiska Kheyre fursad uu ugu jawaabo warbixintaan, laakiin, nasiib darro wax jawaab ah kama aanan helin.

Kheyre waa Farmaajo, Farmaajana waa Kheyre!

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.