Cabdi Siciid

Ciil-qabe cuqdadeysan

Maqaallo Keydmedia Online

Ul-hayaha ninkaan xigin intuu iridda booyaayo, intuu aano kuu dili ninkay talo ag-taallaaba, asal iyo aqoon nimaan lahayn labada loo iisho, intuu aqalka sare Soomaali ka arriminaayo, arki meyno eelkoo baxoo iluhu maaxdaane, arki meyno aamana Rasuul axad walaalaheye, ariki meyno uun wada dega gaclo awgeede. (Abwaan Xaaji Max’ed Adan Liibaan).

Ciil-qabe cuqdadeysan

Soomaalidu, waxa ay ku mahmaahdaa, “Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar” waxaan uga gol-leeyhay, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa (October 14, 2010) tagsiile Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo ah shaqsi u ciil-qaba ka cad goosiga Hawiye.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ah kaadir qabyaaladda iyo qabiil u qooqa ku talax-tagay, wuxuu bisha mushkidda Soomaaliya (Oktoobar), oo ku beegneyd maalinta 287-aad ee sanadkii 2010 helay, fursad uu boqna-gooyo beelaha Hawiye, oo uu aaminsan yahay in dumiyeen dowlad qabiilkiisu lahaa oo uu hoggaaminayay ina Siyaad Barre.

In Farmaajo oo ah Fircoon Gedo ka soo jeeda la yiraahdo noqo hoggaanka Soomaaliya, waxaa darajo dhaantay in Meles Zenawi loo boqro halyey waligiis ku howlanaa horumarinta Soomaaliya ama Natanyahu loo caleema saaro daryeelka danaha reer Falastiin. “Ninkii barbarshay bahal nool ka baxsay amba boqno-gooy”.

Inkastoo nacaybka, nin tooxsiga iyo naas-nuujinta uu Farmaajo ku kacay buugaag laga qori koro, haddana qoraalkaan wuxuu ku saabsan yahay mid ka mid ah shaqsyaadka cadowga ku ah Hawiye ee aargoosiga u ciil-qaba, qeyb ka mid ah rumeynta riyadiisana ay u hirgashay kadib markii Farmaajo galay Madaxtooyada 2017. 

Shaqsiga aan dul istaageyno waa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdi Saciid Muuse Cali, kaas oo ka mid ah ragga ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay Farmaajo u qaabilsana ka talinayay hadimada dadka iyo degaanka Hawiye, qabyaalada iyo musuqna canka ku ah.

Hadaba waa kuma Cabdi Saciid Muuse Cali?

Wuxuu todobaatameeyadii ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna awoowe-yashiis ka soo jeedaan waqooyiga Mudug, halkaas oo aabihiis 1980-tamaadkii kaga biiray Jabhaddii SSDF, ee uu aas-aasay Cabdullahi Yuusuf.

Qeyb ka mid ah noloshiisii korriimo wuxuu ku qaatay cassimadda Soomaaliya, ka hor inta uusan ka mid noqon dadkii Muqdisho laga raacdeeyay billowgii 1991-kii, xilligaas oo daaqadda laga tuuray taliskii faasidka ahaa ee uu hor kacayay ina Siyaad Barre.

Sanadkaas, waa waqtiga uu sida rasmiga ah Cabdi Saciid cuqdadda gaamurtay u qaaday Hawiwe, sida uu baaris la sameeyay ku sheegay Yuusuf Ismaaciil, oo reer Kismaayo ah, hayeeshee, ay isku barteen xeryaha qaxotiga dalka Kenya.

Wuxuu qaxootinnimo ku galay Yurub, ka hor inta uusan magangalyo ka helin Mareykanka, halkaasoo uu ka noqday tagsiile u shaqeeya Eagle Cab Company, taasoo fadhigeedu yahay magaaladda Dallas, ee gobolka Texas 1998.

Siyaasadda Soomaaliya ayuu u soo diga rogtay, markii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ku guuleystay  adeerkiis Cabdullahi Yuusuf, wuxuuna sheegtaa inuu 2004-2008-dii, la-taliye (Technical Advisor) u ahaa, Cabdullahi Yusuf.

Cabdi Saciid, wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka ku eedeysan xasuuqii 2007, ay dowladdii Cabdullahi Yuusuf iyo Ciidamadii Itoobiya ka geysteen Muqdisho, wuxuuna bixitaankii askartii Amxaarada kadib madax ka noqoda barnaamijka horumarinta Itoobiya ee hey’adda Nordic International Support Foundation.

Xilligaas, waxaa lagu eedeeyay inuu kufsi u geystay gabar aan qaan-gaarin, isla-markaana ay hadda dacwo ka taallo dalka Kenya. Cabdi Siciid, wuxuu intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2017 si aan qarsoodi lahayn dadaal ugu bixinayay in dalalka deeqaha bixiya ay maal-galiyaan PSF-ta Puntland, intii ay qeyb ka qaadan lahaayeen dhismaha Ciidamada Qaranka (SNA).

Farmaajo oo qorshihiisu yahay inuu xilal iyo darajooyin ku tixo shaqsiyaadka Hawiye naceybka ku suntan, ayaa 2017 u magacaabay la-taliyaha amnigiisa, oo ka dhigan (la-taliyaha amniga qaranka) isaga oo aan u eegin lahaan shiyaha khibrad amni iyo aqoon ciidan midna.

Cabdi Saciid, oo dadka u dhow ay sheegayaan inuu yahay jaasuus dalal shisheeye u shaqeeya, ayaa lagu eedeeyay inu fashilyay qorshihii (Natinoal Security Architecture) ee lagu soo saxiixay shirkii London, waxaana la tabiyay inuu sir-doonno shisheeye iyo hay’ado caalami ah la wadaagay xog ku saabsan amniga qaranka.

Sidoo kale, wuxuu qeyb ka yahay shaqsiyaadka ku istaagay meel marinta qorshihii (Transition Security Plan) ee u jeedkiiu ahaa in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay AMISOM, kala wareegaan amniga waddanka.

Cabdi Siciid, intii uu ahaa La taliyaha amniga Farmaajo, waxa ay xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarasha, ku eedeeyeen inuu Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xilligaas  Axmed Ciise Cawad, ka dhaadhacsiiyay in ay boobaan deeq waxbarasho oo DF ka heshay Boqorootyada Thailand.

Wuxuu deeqdaan ka safay 24 Dhallinyaro ah (14 Gabdhood & 10 Wiil) oo dhamaantood ka soo jeeda Puntland, waxaana is-qabqabsi ka dhashay ugu danbeyn soo faragaliyay Farmaajo.

Wuxuu xogo qaldan si joogto ah waligiis u siinayay wakiillada beesha caalamka ee farriintiisu gaari karto, wuxuuna qeyb ka mid ah ciidanka XDS, ku tilmaamay (Maleeshiyo beeleed), taas oo sababtay in ay waayaan xuquuqaadki ay lahaayeen.

Shaqsiyaad la khaariyay, qaraxyo waaweyn oo caasimadda gilgilay, curyaaminta ganacsiga reer Muqdisho, caburinta shacabka, cagajugleynta siyaasiyiinta iyo gaboof-fallo kale ayaa la rumeysan yahay inuu kaalinta koobaad uga jiray tan iyo dhamaadkii 2017.

Saaxiibbo u dhaw, waxa ay ka soo xigteen, inuu ku tookhay “intii aan la shaqeynayay Farmaajo, waxaan ii hirgalay hadaf aan muddo dheer lahaa,” kaas oo loo fasirtay inuu kala jeedo aarsiga qabiilka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, oo intaas iyo in ka badan ka war qaba, ayaa shaqsiga ceynkaan ah u magacaabaya Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, waana tallaabo muujineysa in Rooble Rogane, uusan wax dan ah ka lahayn bulshada uu metalo. Dhulka miyaa dadkiisii dhintoo dhaxal la’aan jooga? dhulkaanow ma qowm kuu dhashoo ku dhagrayaa jira?

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.