Profile: Warsame

Waa kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Maqaallo Keydmedia Online

Warsame, wuxuu Lixdankii bilood ee la soo dhaafay, u taagnaa in dalku uusan ka leexan jidka dimuqraadiyadda, in laga baxo cabburinta iyo isku awood sheegashada, isla-markaana meel la iska dhigo siyaasadda kala adkaanshada iyo kala aarsiga.

Waa kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wuxuu ku dhashay, ku barbaaray, tacliintiisa hoose/ dhexe iyo Sarana ku soo qaatay degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, ka hor inta uusan shahaadada koowaad ee Jaamacadda ka qaadan, Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee wadanka Suudaan oo uu ka bartay sharciga.

Wuxuu Shahaadadiisa labaad ee Master’s Degree ku sameeyey isla sharciga, wuxuuna ku takhasusay (COMPARATIVE FEDERALISM) isagoo ka baxay Jaamacadda Qaranka Malaysia (National University Of Malaysia UKM), ka hor inta uusan Machadka Hoggaanka iyo Maamulka ee London ka diyaarin koorsooyin la xiriira Hoggaanka iyo maamulka, Xallinta Khilaafaadka, Dhismaha Nabadda iyo Xariirka istaraatiijiyaadka.

Warsame, wuxuu waayihiisa siyaasadda ka hor, ka soo shaqeeyay arrimaha Samafalka wuxuu madax kasoo noqday Hay'atul Culyaa iyo Wakaaladda Muslimiinta Afrika, isagoo ka mid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii Somali Concern Group iyo Somalia Diaspora Conference.

Sida ku qoran sooyaalkiisa, siyaasadda ka hor, wuxuu madax kasoo noqday Xarunta Islaamiga ah ee Waqooyiga London oo ah xarunta sedexaad ee Dalka Ingiriiska ugu wayn, wuxuuna xubin joogta ah  mudo 10 sano ka badan ka ahaa Xarunta Daraasaadka Xiriirka dawliga ah ee Chatham House.

Cabdiraxman Cabdishakuur, wuxuu siyaasadda soo galay 2007, kadib markii ciidamadii Itoobiya soo galeen Soomaaliya, wuxuuna ku biiray hoggaanka ururkii Dib u Xoraynta Soomaaliyeed ee (ARS), wuxuuna markii danbe door il-qabad leh, ku lahaa shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti 2008-dii ku dhexmaray dawladdii ku meelgaarka ahayd ee uu hoggaaminayey C/laahi Yuusuf iyo Isbahaysigii dib u xoraynta.

Isla-sanadkaas, wuxuu ka mid noqday xubnihii Baarlamaankii 9-aad, ee KMG ahaa, wuxuu qeyb ka noqday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana loo magacaabay Wasiirkii Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Intaas kadib, wuxuu ku jiray hardan siyaasadeed, wuxuu la taliye u noqday mudo sanad iyo bar ah Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo si gooni ah ugu xilsaarnaa Shirkii London 2013, xaga abaabulka, diyaarinta ajendaha iyo qorshayaasha shirka, iyo war murtiyeedka shirka kasoo baxaya, halka uu door muhuum ah ka ciyaaray wadahadalkii Jubaland iyo DF.

2017, wuxuu ka mid ahaa musharrixintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee, wuxuu ka gudbi waayay wareegga 1-aad ee baratanka, kadib markii u la yimid kaliya sagaal cod.

Shantii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ul-haye u aha, halgankii dheeraa ee looga soo hor jeeday Nadaamkii waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaaminayay, taasoo uu ku muteystay beegsi gaar ah. 17-kii December 2017, hoygiisa ayaa lagu qaaday dullaan xilli saq dhexe ah, halkaasoo lagu xasuuqay ilaaladiisii, isagana lagu dhaawacay laguna xiray.

Taasi kama hor istaagin inuu mabadii’diisii ku sii adkeysto, calan-side rasmi ahna u noqdo, mucaaradka, taas ayaana sababtay inuu yeesho taageero badan iyo dad xooggan oo raacsan aragtidiisa siyaasadeed ee ku dhisan is-oggolka iyo isla-guddoonka.

Warsame, wuxuu Lixdankii bilood ee la soo dhaafay, u taagnaa in dalku uusan ka leexan jidka dimuqraadiyadda, in laga baxo cabburinta iyo isku awood sheegashada, isla-markaana meel la iska dhigo siyaasadda kala adkaanshada iyo kala aarsiga.

Cabdishakuur, waxaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta aqoonta fiican u leh diinta Islaamka, Falsafadda iyo fikirka Islaamiga ah ee mucaasarka ah, waa dood yahan, af-tahan iyo dhiirade aan ka gamban ka hadalka arrimaha, siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale ee wax ka dhidda u baahan.

Hadda wuxuu ka tirsan yahay Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS, sidoo kale, waa hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, waa siyaasi u furan dunidda, reer Galbeeedka iyo dalalka Carabta, galaangalna u leh xoogaga siyaasadeed ee kala fikirka duwan iyo jiilalka siyaasadeed ee Soomaaliya ku hardamaya.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.