Exclusive: Maxaa Ka Jira Cabashada Odayaashii Keenay Argagixiye Xasan Daahir?

Exclusive - Waxa Maanta Suuqyada iyo Maqaayadaha Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo dhan looga Sheekaysanayaa waxa ku dhacay Sh. Xasan Daahir Aweys oo Xabsiga jiifa Maanta iyo wixi ay filayeen Odayaashii soo waday, oo qaarkood ay ka hadleen Warbaahinta Muqdisho.
Maqaallo Keydmedia Online
Exclusive: Maxaa Ka Jira Cabashada Odayaashii Keenay Argagixiye Xasan Daahir?

Waxey Warbaahinta u sheegeen in la Khiyaamay oo looga baxay Balantii, markii ay diideen inay si Nabad ah ku Wareejiyaan Xasan Daahirna iyagoo la fara saaray, qaarna la xiray, qaarna la bugabugeeyay.

Hadaan tibaaxo Aragtidayda gaaban Odayaasha cabanaya Maanta 100% waa ila qaldan yihiin, haddii ay filayeen in Sh. Xasan Daahir Aweys uu Xalay ku hoydo Guri ama Hotel Muqdisho ku yaala, oo uu inta soo qubaysto, Caano iyo Casho loosoo dhigo, loona daaro TV-ga Al-Jaziira, markuu Cambaar fiirsado oo Casheeyana uu seexdo, marka uu Subixii soo kacana uu ku Quraacdo Beer, Rooti iyo Caano Geel, kadibna inta Khamiiskiisa uu gashto Albaabka loosoo istaajiyo gaari Land Cruiser ah oo qaboojiye leh, ciidamo hubaysana ay horay iyo gadaal ka socdaan si Amaankiisa loo ilaaliyo, dabadeedna la geeyo xarunta Villa Somaliya oo uu halkaas ku Qaabilo Madaxda Dowlada, wixi uu rabana sheegto, isagoo kala dooranaya Wadanka uu si Nabad ah ugu noolaan doono, sida Qatar, Sucuudiga, Maleesiya iyo Soomaaliya.

Haday taasi dhici laheyd Waqtigeedii waa la soo dhaafay, waxaana Xasan Daahir uga haboon in sidaas loo Qaabilo oo loola heshiiyo Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane. Haddii sidaas loo sheegay odayaasha sida ay sheeganayaan, ayna rumaysteen oo ku Howlgaleen balan-qaadkaas, waxaa muuqanaysa in Odayaasha cabanaya Maanta aysan u bilowneyn, macnaha Dowladnimo iyo Cadaalad. Waxan sidaas u leeyahay hal arin.

  • Waa dhici kartaa in nin Hogaamiye Ciidan, Qabiil ama Jabhad ah oo Dilay Kumanaan Qof lala heshiiyo, diyaarad lagu qaado, lasoo dhaweeyo, hotel la dajiyo, wixi uu sheegto oo macquul ahna loo qabto. Laakiin waa marka uu hogaamiyahaas awood buuxda leeyahay, lagana cabsi qabo inuu Kumanaan Qof oo hor leh dili karo. Si loo yareeyo ama loo joojiyo shartiisa ayaa dambiyadii horay uu u galay indhaha laga laabtaa oo la cafiyaa, walibana xoolo iyo xaal marin loogu daraa.

Laakin Taariikhda Siyaasadda Aduunka kama dhicin wali in Hogaamiye soo Jabay, oo Tabar waayay, oo laga adkaaday, oo naftiisii la baxsanaya sida Xasan Daahir Aweys oo kale, hadana la cafiyo oo lasoo dhaweeyo. 

Todobaad ka hor haddii uu gali lahaa Gacanta Axmed Godane sida uu Maanta u galay Gacanta Dowladda, waxa hubaal ah inuusan Maanta Noolaadeen. Maanta waa in abaal weyn looga hayaa Dowladda Soomaaliya inuu nool yahay Xasan Daahir.

Dadku ha xasuusteen in Hitler markii uu qabsaday inta badan Yurub, ay Ingiriiska iyo Maraykanku usoo bandhigeen inuu qaato dhamaan Wadamada uu qabsaday, laakin uu joojiyo Dagaalka oo inta hartay uu Nabad galiyo, wuu diiday, wuxuuna duulaan ku gaaray inta u dhaxaysa xuduuda Leningrad ee Ruushka iyo xuduuda English Channel ee Ingiriiska. Lakin markii la Jabiyay waxaa laga diiday in loo badbaadiyo xuduudii wadankiisii Jarmalka oo ilaa iyo Maanta ay Ciidamo Maraykan ahi dhex dagan yihiin.

Waxan oran lahaa sida aan kor kusoo sheegay waxaa mudan in lala heshiiyo oo wixi uu sheegto la siiyo Axmed Godane si loo baajiyo inuu dilo Kumanaan Qof oo hor leh. Laakin Xasan Daahir wuxu Maanta la mid yahay Hitler oo maraya Bartamaha Sanadkii 1945, halka Axmed Godane uu la mid yahay Taalibaanka hada Xafiiska iyo Wadahadalka looga furay Magaalada Dooxa, Qatar.

Maxaa ka jira Cabashada iyo Sheegashada Odayaasha?

Markii ay soo bexeen Warar sheegaya in Odayaashii Ergada ahaa ee keenay Xasan Daahir Aweys la jir-dilay xoogna Gacantooda looga bixiyay Wadaadkii ay ka ergaynayeen, ayaan xiriiro xog-doon ah la samaynay Saraakiisha Dowladda iyo Dad goobjoog ahaa, waxayna noo sheegeen in sidaan ay wax u dheceen.

Saraakiishii dowladda ee u xilsaarneyd Arimaha Cadaado ka socday Maalmihii dambe ayaa Garoonka Diyaaradaha ku qaabilay Odayaasha iyo Xasan Daahir waxayna u sheegeen in Dowladu ay diyaarisay goobtii la dajin lahaa iyo ilaalinta amaankiisa, dabadeedna lasii wadi doono qorshihii lagu balamay oo ahaa in loo dhoofiyo Wadaadka Wadanka Qatar oo isaga qudhiisa aan la ogeyn waxa uu kala kulmi doono.

Laakin Odayaashu waxay u sheegeen Dowladda inay iyagu diyaariyeen Gurigii la dajin lahaa Xasan Daahir ayna iyagu u galbinayaan Gurigaas, isla markaana aysan dhici doonin inay ku wareejiyaan Gacanta dowladda. Saraakiisha Dowladu waxay u sheegeen in arinkaasi uusan macquul aheyn, aysana dhici karni in Wadankii oo ay Dowladi ka jirto in Odayaal Qabiil ay arinkaan oo kale Gacantooda ku maareeyaan, Xasan Daahir oo kalana uusan magaalada dhinac ka dagi Karin isagoo Dowladu wax ka-warqab ah aysan ku laheyn xaalkiisa.

Labadaas dhinac ayaa la kala istaagay waxaana Wadahadal iyo waan waan lagu gaaray Xalay Saqdii dhexe. Odayaashu waxay isku dhaarsadeen inaysan dhiibeyn Xasan Daahir iyagoo Miyir qaba oo aan laga adkaan, waxayna isku gadaameen oo dhexda gashteen Xasan Daahir oo isaguna diiday inuu raaco Dowladda kuna adkaystay inuu dhabarka dambe ka fadhindoono Odayaasha ilaa awood lagu kala baxo.

Markii ay diideen kuna adkaysteen inaysan dhiibi doonin Xasan Daahir iyagoo aan laga adkaan, ayay Saraakiishii Dowladu si gooni ah ugu yeereen xildhibaanadii la socday ergada odayaasha ah oo ay ka mid ahaayeen Sh. C/qadir Cali Cumar, Mahad Maxamed Salaad iyo Cabdi M. Abtidoon Koofi-Shabaq oo Qol gooni ah ay geeyeen, kadibna waxa hoos laga amray Ciidamadii Nabad Sugidda inay awood ku maquuniyaan odayaasha isku wareejiyay Xasan Daahir.

Markii Gacan ka hadalku uu bilowday ayuu Xil. Sh. C/qadir Cali Cumar si xoog ah uga soo baxsaday Qolkii la geeyay wuxuuna kusoo biiray Odayaashii la Dagaalayay Nabad Sugidda, waxaana halkaas ku gaaray Sh. C/qadir dhaawac fudud. Intii la qabtay Odayaasha waxa lala xiray Xasan Daahir, inkastoo markii uu waagu baryay lasoo daayay dhamaan, intii dhaawucu gaarayna la daaweeyay.

Waxaa la filayaa in Balanqaadkii Cadaado uu sidiisii ku socdo, loona diyaariyo Xasan Daahir wadan Sadexaad oo loo gudbiyo, inkastoo sida muuqata uusan ku amaan gali doonin meel walba oo la geeyo, haddii uusan si fiican ula shaqeyn Dowladda Soomaaliya iyo Sirdoonka Maraykanka.

Waxa Aduunka ka jiro Sharci sheegaya in Aofka dambiilaha ah ee la qabto lala gali karo Heshiis looga cafinayo ama looga fududaynayo Ciqaabta uu mutay, haddii uu bixiyo Xogta Qarsoodiga ah ee uu hayo, taasoo lagu yaraynayo dhibaato ka imaan karta kooxdii Cadowga aheyd ee uu ka tirsanaa.

Tusaale ahaan Sh. Xasan Daahir oo gacantiisa iyo sababtiisa ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah oo aan waxba galabsan, wuxuu ku badbaadi karaa isagoo hay




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.