Qaraxii Zoobe

Xusid Qaraxii Zoobe

Afar sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii Isgoyska Zoobe, oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay oo ay dowladda faafisay dad gaaraya 632 ilaa 1000 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen. 

Maqaallo Keydmedia Online
Xusid Qaraxii Zoobe

Inkastoo la filaya in tirada dhaawacu uu ka badanyahay 316-dii uu shaaciyay gudiga gurmadka Dowladda Federaalka, laguna qiyaasayo ku dhawaad 1000 Qof, waxaana hadana jira tiro kale oo ay soo gudbiyeen dhalinyarro is xilqaantay oo ah 632 qof oo dhimasho, halka ku dhawaad 700 ay dhaawacmeen. Keydmedia Online ayaa qaadatay tirada ay soo gudbiyeen gudigga gurmadka maadama uu shaki badan ku jiro tirada saxda ah. 

Gaariga qarxay oo ahaa kuwa xamuulka qaada, ayaa ka yimid dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu soo diyaariyay degaan Al-Shabaab ay maamusho. Baabuurka wuxuu kasoo gudbay baro koontarool, oo ay joogaan Ciidamada dowladda.

Dadka aqoonta u leh arrimaha qaraxyada waxay sheegeen in qaraxaas laga hortagi karay, maadaama hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ay horey u bixiyeen digniino ku saabsan in gaari noocaas ah uu usoo socdo magaaladda Muqdisho.

Laakiin, digniinta ayaa la iska indha tiray. Waxay ahayd in khatartaas oo kale laga hortago, oo la baaro baabuur kasta oo noocaas ah, laga taxadaro, la baaro, laguna wargeliyo Ciidamada ee jooga cirifyadda Muqdisho laga soo galo dhamaantood.

Qaraxa kadib dowladdu waxay sheegtay inay sameysay baaritaan, waxayna warbaahinta ku iclaamisay inay xog hayso, illaa haddana ma jirto tallaabo intaasi dhaafsiisan oo laga qaadey ciddii gaariga kasoo gudbisay baraha koonatarool, islamarkaana soo damiinatay iyo halka uu bartilmaameedkiisu ahaa weerarka.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Ciidamada dawladdu ay weli baabuurta kusii daayaan damiin afar sanno kadib, iyagoo og in qaraxii ka dhacay Zoobe, ee galaaftay muwaadiniin badan, oo waxba galabsan uu sabab u ahaa baabuur lagu soo geliyay Caasimadda damiin.

Wali waxaa sahlan in baabuurtu meelo kala duwan ay kasoo geli karaan magaalada, maadaama laamaha amnigu aysan haysan qalab si dhib yar u sawiri kara qaraxa ama walxaha halista ah ee saaran gawaarida kusoo jeeda Muqdisho.

Dowladda way soo iibsan waysay qalabka casri ah ee lagu ogaado qaraxyada, iyadoo miisaaniyadda ugu badan qoondeeyay amniga, waxaana sidoo kaloo ka gabiyeen madaxda Villa Soomaaliya inay ka codsadaan dowladaha taageera inay ugu deeqaan.

Ciidamada loo xilsaaray mas’uuliyadda amniga Muqdisho, ee jooga baraha koontarool ayaa ku tiirsan 100%  gacantooda iyo ishooda waxay qabtaan marka ay baabuurta baarayaan, taasoo khubarada amniga ay rumeysan yihiin inay tahay qalad.

Sidoo kale, Ciidamada ma ogaan karaan meesha uu qaraxa uga jiro gaari kasoo gudbaya barta koontarool, maadaama aysan illaa hadda haysan qalabka la hoos-geliyo gaariga iyo eyda urisa qaraxyada.

Al-Shabaab ayaa marba marka ka dambeysa bedelaysa xeeladaha ay ku qarin karto qaraxa saaraan baabuurta, kuna gaarsiin karto halka uu yahay bartilmaameedka weerarkeeda, isagoo aan qarxin ama la qaban.

Kooxdan ayaa sido kale kordhisay awoodda qaraxyada ay farsameyso, taasoo laga arkay weeraradii ugu dambeeyay ee ay ka fulisay Muqdisho sanadihihii lasoo dhaafay, iyadoo dowladda taaso aan wax cashar ah ka baran, iyadoo falalka argagaxiso ay wali dhacaaan.

Keydmedia Online ayaa heshay macluumaad sheegaya in inta badan qaraxyada Muqdisho lagu sameeyo dibedda magaalada, waxaana keena baabuur ay hagayaan shaqsiyaad gudaha ku sugan, oo hadii kuwa wada caqabad ka kulmaan baraha koonatarool soo gudbiya.

Dhanka kale, waxaa jira qaladaad ay wali samaynayaan Ciidamada amniga iyo taliyeyaashooda, oo ay kamid tahay inay wali kusii deynayaan baabuurta qaarkood afgarasho. Gaariigii ku qarxay Zoobe ayaa Siinka Dheer kusoo dhaafay damiin, iyadoo dadkii arintaas sameeyay aysan dowladda sii daysay.

Dhibka jira ayaa ah in dowladda aan lahayn qorshooyin degsan iyo siyaasad amni oo waxtar leh. Ciidamada ma ma lahan xirfad sareysa, mana u dhameystirna agabkooda, nooc kasta oo loogu talo galay sugida amniga, waxaana la siinin xuquuq ku filan.

Waxaa wali ka jira koonatarooladda Ciidanka ee laga ilaaliyo Caasimadda dhaqanka waji-garashada iyo laaluusha, oo noqday kuwa ka muhiimsan waajibaadka sharci iyo gudashadda mas’uuliyadda shaqada qaranka, oo ay u dhaarteen madaxda DFS.

Warbixin ay Keydmedia Online diyaarisay sanad bil kahor ayee ku ogaatay in dowladda Federaalka aysan laheyn qorshe cad iyo istaraatiijiyad lagu wiiqi karo cududa argagixisada. 

Hoggaanka hay’adaha amniga ee Soomaaliya ayaa ah kuwo aan inta badan lagu soo xulin aqoon amni balse lagu keenay eex, nin jeclaysi iyo dano gaar ah. Runtii ma lahan la-taliyeyaal,  ama hoggaan fahmi kara, diyaarinna kara istiraatijiyad amniga lagu hormariyo. Hawlwadeenada ayaan aheyn kuwo xitaa aqoon u leh dhaqanka, taariikhda iyo bedka degaannada Soomaaliya ka mid ah ee ku yaal Koofturta dalka ee u baahan in amnigooda la hagaajiyo oo ay caasimaddu koow ka tahay.  

Ummadda Soomaaliyeed Samir iyo Iimaan illahey haka siiyo.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.