Aabahay gablan, war meesha waa lagu gaaloobay

Maqaallo Keydmedia Online

Axmed Maxamed Xasan | Damaca siyaasiga ah qaarkii dadka waxa uu ka dilaa garashada & damiirka, waxa uuna ka duwaa dariiqa saxda ah, dad qaawan oo meel cidla ah taagan ayuu damaca qaarkii kuu tusiyaa dad asturan oo meel dugsi ah ku jira.

Aabahay gablan, war meesha waa lagu gaaloobay

Aabahay gablan, war meesha waa lagu gaaloobay.

Arartan kooban waxaan uga dan leeyahay, marar badan waxaan is weydiiyay xildhibaanada golaha shacabka maxaa intooda badan garashada ka qaaday? Weliba kuwooda Mursal & Muudeey damaca siyaasadeed ka quud-daraynaya goorma ayay ka quusan doonaan?  Qiso dhacday haddii aan qoraalka idiin dhex geliyo.

War waa alla mahaddii, ee kuwana goorma ayay soo muslimeen, waxaa sidaa yidhi mid reer Qabri-dahare ah oo meel barxad ah ku arkay arday qalin jabisay, oo ay Dhaanto “Dirgax” u shidantahay. Malaha odaygu mar haddii uu arkay dhalinyaro caddaan ah oo ay Dhaanto u shidantahay kama uusan fakarin dhaqanka is dhex-galay ee waxa uu mooday inay soo muslimeen.

Cabbaar markii uu isha la raacay ayaa waxaa uga dhex muuqday wiil Soomaali ah, oo weliba gabar caddaan ah ganaca ku dhaggan, garo oo waa kii ardayda dhaantada u shiday, odaygii afkiisa war waxaa ugu dambeeyay, aabahay gablan, war meesha waa lagu gaaloobay.

Shalay & Maanta, Muqdisho masraxyada ay xildhibaanada & siyaasiyiintu ku kulmaan waxaa ka taagnayd dood ah, Mursal & Muudeey ma ansixin doonaan heshiiskii Dhuusamareeb ka dhacay?

Mudanayaal duhur cad inay heshiiskaas meel-marin doonaan mudgi miyaa idiinka jira? Aniga MAYA, waayo marka horeba waxa ay diidanaayeen ma ahayn doorasho dadban, ee kursigoodii ayay doonayeen in loo dammaanad qaado. Xildhibaan kol haddii aadan kursigaaga dammaanad qaad u haysan, maxaa Mursal & Muudeey ku daba-dhigay?

Hadal & dhammaan, qisadan (Aabahay gablan, war meesha waa lagu gaaloobay) waxaan usoo qaatay, muwaadin, mudane Xildhibaan, masuul walba oo siyaasadeed waxaan rabaa inaan mar walba idin xasuusiyo, haddii aad aragtaan Mursal & Muudeey oo masaajid ka jeedinaya muxaadaro hannaanka dawladnimada & sharuucda dalka dadka lagu fahamsiinayo, macnaheedu ma aha in (Mursal & Muudeey) mawqifkoodii asalka ahaa ay badaleen, ee kursigoodii ayaa masaajidka uga dhex muuqday, waxbana kama duwana ardaydii ay dhaantadu u daarnayd.

Waana midda aan u daliishanayo in heshiiskii Dhuusamareeb ay meel-marin doonaan. 

Axmed Maxamed Xasan
Qoraalkaan, qoraagu wuxuu qoray 22-8-2020, laakin waxaan soo daabacnay Maanta oo ah Isniin 24-08-2020




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.