Aafada Abaarta iyo uur xumada Ummadda

Haaji Seeko (Keydmedia) - Waa arin adag in looga shakeeyee qof aan indhihiisa ku arag abaarta Ka jirta Xiligan Dalka iyo saameenteeda, waxaase hubanti ah in cid walbaa oo looga sheekeeyo ama aragta xaalada Dadka in ay tiiraanyo badan dareemeyso.
Aafada Abaarta iyo uur xumada Ummadda

Caruur, Haween iyo waayeel bogga iyo beerka isku dhacsan yahay beehi darteed isla markaana gabay socodkii maqalka dhagahana aanu hagaagsaneen ayaad ku arkeysaa hareeraha wadooyinka, Daafaha Magaalada iyo dhismayaasha gaboobay hoostooda kolka aad Muqdisho ku dhex lugeyso.

Dadku waa isuma qado aan heysan hoy, cunto, agab iyo wax walba oo nolasha aadanaha ay u baahneyd mana jirto cid koob biyaha u taagtay oo mas’uuliyad nooca doontaba sheeganeysa.

Macalimiinta dugsi qur’aanada oo kaashanaya dhalinyarada dhagaha Nugul ee xaafadaha qaar ku nool ayaa ka bilaabay gudaha xaafadaha qeyla dhaan ujeedadeedu tahay gurmad in la sameeyo shacabka dhiman , waxaana sidaasi lagu qabtay wax aan badneyn.

Cunta aan badneyn iyo dhar gaboobay ayaa u badnaa waxyaabaha ay macalimiinta iyo dhalinyarada xaafadaha ka soo ururiyeen, waxaana dadka loo siiyay sida ay u soo kala horeeyeen.

“Gaari PL ah ayaan ka raacay KM4 Muqdisho, waxaan ku sii jeeday degmada Xamar weyne oo aan ku lahaa balan gaar ah, kana baxsan shaqda saxaafada, laakiin waxaan dareemay Murugo badan kadib markaan wadada ansalooti ee suuqa beerta ka leexta gaar ahaan Dhismihii hore Unicef ee degmada waabari aan ku arkay dad badan oo dayac nolaleed uu ka muuqdo” Dareenka Qoraaga.

Waxaa ii muuqday gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Faal oo shacabka ku dhex jiro isla markaana dul taagan digsi laga buuxiyay Lafo Geel oo maraq Bariis yar loogu kariyo boqolaalka Ruux laga dhalinayay, waxaan ag istaagay gudoomiyaha anigoo digsiga hoos u jaleecay, wuxuu ii sheegay in Dadka dhibaateysan ay halkan ugu karinayaan BARIIS  yar oo dadka degan degmada waabari gaar ahaan kuwa nolashooda ay hooseyso ay isku soo dareen.

Waxaan u dhaqaaqay dhanka dadka dhibaateysan, wajahadeyda ayaan ku arkay hooyo dhabanada heysata isla markaana aad u walaacsan, waan ag fariistay oo weydiiyay xaalada sida ay tahay, waxay ii sheegtay in ay ka walaacsantahay mashaakilka ay dhex maquuraneyso, inta aan hor fadhiyay hooyada waxaa hurdo ka soo nabdaaday cunag yar oo ay dhashay iyada kaasoo la soo booday Hooyo Baahi!!!, Way ilmeysay hooyadii waayo haba yaraatee gacanta kuma aanay heyn xittaa biyo ay afka ugu qabato sabiga Baahida la ooyay.

Shacuurteyda ayaa is badashay indhaheygana waxaa ku soo joogsaday Ilmo, waxaan u dhaqaaqay in haba yaraatee baahida cunuga yar daqiiqadaas la joogo aan wax ka qabto, dhawr kun oo Shilin Soomaali ah ayaan hooyadii u dhiibay si ay wax uun ugu soo iibiso cunaga yar.

Marka aan ka dhaqaaqay hooyadii dhibaneed ee aan sii socday wax ka yar afar talaabo ayaa dhankeyga midig waxaan ka arkay haweeney da’ah isla markaana ku jiifta Baakad aad yar iskuna laabtay Bogga iyo beerka, waxaan ka fariistay dhanka Madaxa oo isku dayay inaan la hadlo, laakiin waxay aheyd Dhagool oo maba hadli Karin, waxayna iigu tilmaantay gacanteeda dhanka Caloosha oo ay ii muujisay in ay Baahantahay.

Waxaan dhex galay xaalad jahawareer, Murugo, uur ku taalo iyo diif xanbaarsan, waayo waxaan dhex galay xaalad aan waxba ka qaban Karin xiligaas la joogo, laakiin waxaan isku sasabay inaan wax badan qaban karo hadaan qalinka iyo warqada is dul dhigo isla markaana aan u bandhigo waxay indhaheygu qabteen sama jecelka SOOMAALIYEED ee ku nool dunida daafaheeda.

Saacad kadib markaan ku soo laabtay Xafiiska ayaan is dul dhigay qalinka iyo warqada laakiin waqti ka badan afar saacadood ayeey igu qaadatay inaan go’aan ka gaaro qaabka aan u bandhigi lahaa  dareenka Dhibanayaasha iyo diifta aan la soo kulmay, markaas kadib ayaan bilaabay qoraalka.

Markaan bilaabay qoraalka, isla markaana aan is dul dhifay qalinka iyo warqada ayaa mar walba maskaxdeydu waxay dib u qooraansaneysay dhibaatadii ay indhaheygu soo arkaan markaas baan iska ooyaa sida Hooyo Curadkeedii darxumo loo dilay oo kale, laakiin waxaan markii danbe isku sabar siiyay in qadarta Alle ay tahay mid qoran oo aanay cidina seegeynin.

Hadaba ummadda Soomaaliyeed ee Dal iyo dibad ku  nool waxaa la gudboon in ay u istaagaan Sidii loo samata bixin lahaa dadka Abaarta ay halakeysa ee aadka u dhibaateysan.wax badan ma noqoneyso in la gar gaaro haddii la muujiyo iskaashi isla markaana leysu baheesto koox koox.

Waxaan kula talineynaa bulshada Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku nool in ay u istaagaan badbaadinta dadkan dhiban, waxaana ay u mari karaan dariiqyo kala duwan oo uu ugu horeeyo in ehelka iyo asaxaabta joogta Dalka ee ay is leeyihiin waad ku kalsoonaan kartaan ay uga wakiil dhigtaan daryeelka Shacabka waayo waxaad maanta baxsato bari miisaankaaga aaqiro ayeey kuu kordhineysaa.

Fadlan walaal ha hilmaamin marnaba inaad abaabusho koox u istaagta taageerada shacabka Soomaaliyeed, waayo shacabkan cidna uma maqna ceelna uma qodana waxayna sugayaan kaliya taageerada walaalaha uu Alle wax siiyay ee iyaga ka jeeb roon.

Abudlkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.