Abwaan Saciid Xarawo: Saado Anaa Fanka ku soo Barbaariyey - Wareysi

Keydmedia Online — Dilkii Qaabka darnaa ee Saado Cali Warsame (AUN) ayaa KON waxay Wareysi kala yeelatay Fanaanka weyn ee Fanka Soomaaliyeed Abwaan Saciid Xarawo oo aan waligii Maalin dhinacna uga bixin Magaaladda Muqdisho 25 Sano oo Wadanku soo maray is badalo Dhib badan oo aan la soo koobi karin.
Maqaallo Keydmedia Online
Abwaan Saciid Xarawo: Saado Anaa Fanka ku soo Barbaariyey - Wareysi

Abwaan Xarawo ayaa Qadka Telefoonka noogula hadlay Dilkii Marxuumad Saado Cali Warsame iyo Fanka Soomaaliyeed.

Keydmedia Online: Abwaan Saciid Xarawo, ka waran, maxaa Maantay ka dambeeya oo ka haray Fanka iyo Fanaaniintii Soomaaliyeed?

Abwaan Saciid Xarawo: Waa Su’aal dhib badan oo aan Sahlaneyn in si kooban looga jawaabo, waxaa jirta Maahmaah Soomaaliyeed oo sheegeysa » Meyd maxaa ugu dambeeyay, markaasa la yiri waa Midkaas lasii wado «, marka Wadanku suu u burburay ayay Fanka iyo Fanaaniintii Soomaaliyeed u burbureen.

Fanaaniintii mid Banaanka ayuu u Qaxay, mid Cudur iyo dacdaro iyo Ciil godka la galay, iyo tii ugu dambeesay Saado Cali oo lagu kala Jeexay Qoriga dabajeexa ah oo logu talagalay in Cadowga lagula dagaalamo Shalayna Godka lagu Aasay Illahey ha u naxariisto, Illahey ha u naxariisto. Saado taas ayadu ma galabsan ee Gacan ku dhiigle aan Illaah iyo Dadba Aqoon ayaa fuliyay ficilkaas.

Keydmedia Online: Abwaan Saciid, Adigu ma tiqiinay Saado Cali Warsame?

Abwaan Saciid Xarawo: Yaah! Ma taqiinaybaa? Saado waxey kamid aheyd Dadkii aan soo Gacan qabtay oo aan Fanka kusoo barbaariyay, ayada, Faynuus, Qadro Daahir iyo Abwaanno waa weyn oo Soomaalidu aad u taqaano. Dadku wey kala duwanaayeen oo Qofba Qofka kale waa ka duwanaa, hase yeeshee Saado wey Maskax furneed oo wixii loo sheego durbadiiba waa Xafidi jirtay. Ayadoo yar baan waxaan dareemay in Qofkaan Fanku dhuuxa uga jiro ee aysan ka aheyn kaliya in ay Masraxa ka dhex muuqato.

"Saado Fanka dhuuxa ayuu uga jiray, ee kama aysan aheyn kaliya in ay Masraxa ka dhex muuqato" —Abwaan Siciid Xarawo

Keydmedia Online: Maxaad kaloo ka xasuusataa?

Abwaan Saciid Xarawo: Haa waxaan ka xasuustaa, Dagaalladii Maxamed Siyaad lagu ridayay markii ay bilowdeen waa tii lakala cararay, Qaxooti la noqday oo Dadkii Qaxay intii badneed ay doorsameen oo ay Dadnimadii lumiyeen, Saado marna ma doorsamin, oo Calanka Buluuga ah iyo Xidigta ayay ku labisan jirtay. Anagu halkaan baan Riwaayadaha ka diyaarin jirnay, ayada, Maryan Mursal iyo Fanaaniin kaleba banaanka ayay ka dhigi jireen, wacyi galin jireen si Dadka iyo Dalka Nabad loogu soo dabaalo.

Keydmedia Online: Oo Hadaad diyaarin jirteen, maxaad Magaalada Xamar uga dhigi weydeen?

Abwaan Saciid Xarawo: Oo ma Xamar baa waqtigaas laga dhigi karay Riwaayad, mise hada baa laga dhigi karaa? Ma hurudeen, soo ma ogid meeshee xaaladdu mareysay ama wali ay Maanta ku socoto?

Keydmedia Online: See u aragtay Dilkii Saado Cali Warsame? Maxaase dareentay markaad maqashay?

Abwaan Saciid Xarawo: Maxaan dareemi lahaa, Xabaddu in Aniga la igu dhuftay baan mooday oo aan dhintay. Adeer wax ma kuu sheegaa, Dadkayagaan waxaan nahay, Dad dhintay oo wali Ruuxu ku jiro, saad maalinwalba waxaa soo yeerin dareen murugo, farax iyo haasaawana mar hore baaba noogu dambeesay.

Keydmedia Online: Abwaan Saciid, Adigu marna ma istiri Wadanka isaga bax?

Abwaan Saciid Xarawo: Maya, Maya, Maya, waligey taas isma oran. Wallow aanan u jeedin Rajjo Midnimo Soomaaliyeed oo soo noqota. Fankii iyo Suugaantii oo kusoo noqda heerkii ay marayeen Toddobaataneeyadii, Siddetaneeyadii waayo Maantay in la helo Suugaan Xor ah oo aan la cadaadin rabigey wax kuma ahan waase riyo oo kale.

Keydmedia Online: Abwaan Saciid Xarawo aad baan kaaga Mahadcelineynaa Wareysigaan aad na siisay.


Wareysigaan waxaa Qadka Telefoonka kula yeeshay Fanaanka weyn ee Fanka Soomaaliyeed Abwaan Saciid Xarawo, Tifaftiraha Keydmedia Online ee Nairobi. Wareysi Maqal & Muqaal ah oo aan Fanaanka la yeelanay Labo Sanno kahor Halkaan ka Daawo: Fanka & Abwaaniintii Qaranka.

Keydmedia Online - Nairobi




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.