Al-Shabaab In Lagu Jihaadaa Ma Xaqaa?!

By Bashiir M. Xersi - Sida wax walba oo muunad iyo magac gaar ah u lahaa loo dhaamay, ayaa waxaa jira erayo badan oo dhaamiddaa dhanacooda ka soo gaartay. Anoon ku sii dheeraanayn, maadaama ujeedka qormadu aysan ahayn taa, ayaan jeclaystay inaan dhawr tusaale ka bixiyo.
Maqaallo Keydmedia Online
Al-Shabaab In Lagu Jihaadaa Ma Xaqaa?!

Laga yaabe, inaad qaarkood u aragto wax laga gudbay, ama xilli gaar ah ku xirnaa. Taaba ka darane, dadka qaar ayeyba u noqon karto Laf dhuun gashay iyo wax aysan liqi karin. Haddana, waa sidaayoo, afka ayey ku jiraane, ma dhimaadda loo gaystay ayaan ku dhaafnaa mise waa dhawrnaa? Anigu tan dambaa ila qumman, aqriste, adna?

Erayada la dhaamay ee qofkii loogu yeeraa uu caro kaala hor imaanayo waxaa ka mid ah: “SHABAAB, JAALLE, MUDANE, XILDHIBAAN, UGAAS, SHEEKH, AQOON YAHAN IWM” laga yaabee, inaad is leedahay maxaan intaan isu wada raacshay? Waxaanse ku leeyahay kalama haraan marna. Maxaa yeelay waxay tusaale u yihiin saddaxda hannaan ee Bulshadeenna laga hago, oo kala ah: “ODAY DHAQAMEED, WADAAD IYO AQOON YAHAN” hadday kuu caddaatay aan u gudagalo qormada.

Ereyga “Shabaab” waa erey Carabi ah, macno ahaan afka Soomaaliga ku noqonaya “Dhallinyaro” haddaba, is weydiinta baa ah, haddaan ku iraa: “Dhallinyaro” ee aysan faduul iyo fawdo kale la socon, ee aad run ahaan dhalinyaro tahay, haddaad diidmo iga hor keento, labadeenna kebaa qaldan? Hubaal inaad adigu isla saxan tahay, haddaba, sida aad isku siisay, aan kuu dhilo.

Marka macnaha laga soo tago, waxaan isla qirsannahay in magaca SHABAAB yahay caay, aan caad saarnayn. Haddaa maxaa ka dhigay? Illeen eragu kaligii isma dhaamo ismana dhisee, oo bulshada ayaa hadba dhan u dowdee! Sida eraga Jaalle loogu karaahsaday xertii KALI TALIYE Maxamed Siyaasad Barre, isagoo eragu macne sare iyo maqaam hufan muujinaya, oo Wadaaynimo iyo waayo xiriir tilmaamaya, ayaa haddana, markii dhaqan qalloocii hoggaankii Ciidanku ka soo rayn waayey, ayaa dadku ereygii iyo araggoodii isla tuureen.

Dadka qaar haddaadba ku tiraa, wuxuu ku leeyahay; “ma anaa GUULWADE ah?” Eray kale oo isna qiimo tirmay. Maadaama uu Hankool u ahaa Xukuumaddii hore. Aniguse ereyada aad baan u dhadhansadaaye, waxaan hubaa, haddii la heli lahaa, boqol “GUULWADE” ah in hormar la taaban karo la gaari lahaa. Haddi ereyga kama hadline iska ilaali. Macanaha uu xambaarsan yahay baan xiganayee.

Dhaamadka ereyga ku dhacay iyo inta dhib lagu gaystay isuma dhigantee, aan gudagalo tan dambe. Maanta waxaan maraynaa marxalad adag, laga yaabee inaad is leedahay maxaa adayg ah, illeen Alshabaab deegaanno badan baa laga saaree? Waxaan uga jeedaa, in arrinta Shabaab saddax qayb tahay. Mid la soo dhaafay, midna gabagabo tahay, tan kalana wali noo dhimman tahay, ee horta ha is dhigane, waligaa heegan ahaaw.

Jawaabta qormada anoo wali dib u dhiganaya, oo aan hubo inaannaan ku kala aragti duwanayn, haddii aadan ka mid ahayn inta wali u xamlan xamuulka Shabaab. Qormada qoraalkeedu wuxuu ka dambeeyey, ka dib markii aan aqristay War Saxaafadeed ay soo saareen KOOXDA AL ICTISAAM, oo daba socday wadaad dhawaan lagu dilay Masjid dhexdii, taa oo caro badan laga wada muujiyey, inta badan dadkuna isku meel uga soo wada jeesteen.

Weydiinta ugu horraysay ee maankayga isku soo taagtay waxay ahayd; “Masjid dad lagu dilaa maanta uma u horreyne, carada intaa la eg maxay tahay?” haddana waxaan isku qanciyey “Oohintu Orgiga ka weyn!” waa maroo intii Masjid dad lagu dilay ururkani sida maanta uu ula falgalay ulama falgalin. Waa mar kalee, inta waxgarad, wax ku ool, aqoon yahan iyo oday dhaqameed la dilay maalin wax kama dhihine, maxaa maanta qaylodhaanta ku soo beegay?.

War Saxaafadeedka AL ICTISAAM waxaa ku jiray oo nuxurkiisa iyo farriinta uu xambaarsanaa ahaa “IN AY XAQ TAHAY IN LAGU JIHAADO ALSHABAAB”. Madaama wiilka dilay Sheekhaa uu sheegay inay soo direen Alshabaab. Haddaba, weydiinta baa ah; Jihaadka Alshabaab ma maanta kaliya ayuu xaq noqday? Kaba muhimsane, horta AL ICTISAAM waa ayo? Alshabaab imisa Oday ayey kala tirsadaan? Ma is dhaleen, ma wada dhasheen, mise…? Ha ila yaabin, sidii beelihii baan ka dhigee, iyaba illeen waa beel aan Soomaali ahayne. Tan kale, waxaan sidaa uga dhigay, inaad si ka dhaw sidii hore laguugu sheegay ama aad u maqashay aad u fahamto.

Dunida Muslinka ee aan ka mid nahay waxaa jirtay xilli ay ka hana qaadeen wax loogu yeero afka Carabiga “AL SAXWA AL ISLAMIYA” oo ka dhigan “BARAARUG ISLAAMEED” asal ahaan wuxuu ka hana qaaday waddamada Masar iyo Sucuudi, oo ah labada waddan ee dhoof geeya aragti diimeedyada ugu xoogga baddan Dunida Muslinka.

Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay Ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab, oo markii dambe magac ahaan isaga loo nisbeeyey qolada loo aqoonsaday “WAHAABIYA” haba diidaan ama dhahaan magac ahaan qof loo yaqaan ma jiro. Buugaagtiisa kuwa uga caansan ee aan filayo in inta badan la wada maqlay waxaa ka mid ah “FATXUL MAJIID” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB, IKK.

Asxaab kooban weeyaan
Afar iyo shan weeyaan
Albaabkooda lama galo
Ehel iyo qaraabiyo
Xigta maba u oommana!

Dhanka dalka Masarna waxaa horseed ka ahaa ninka kale ee la yiraa; Xasan Al Bannaa, isna wuxuu keenay aragtiga ku magac baxday “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo kuwan dambee la baxay DAM JADIID.

AALA AALA weeyaan
ASHU waa billaawoo
Waa astaan u gaaroo
Waa iridda koowaad
Waa albaab u xiranoo
Aadane ka soo galin!

Labadii aragti ee labadaa nin kala dhaliyeen ee labadaa waddan ka kala hana qaadday, waxay saamayn xooggan ku yeesheen Dunida Muslinka. Horraantii todobaatameeyadii, sanadihii seddeetameeyadii iyo sagaashamaadkii waxaa Dunida Muslinka ka dillaacay DAACUUN SIYAASAD DIINEED ah, oo aan dhagax iyo dhir midna dhawrin.

Dunida Muslinka waxaa hareeyey qalalaase siyaasadeed, heer qaraxyo iyo qaarijin qaati laga istaagay. Waddamadaa waxaan ka xusi karnaa: Masar, Suuriya, Indoniseya, Aljeeriya, Tunis, Marooko IQB. Intaa waxaa sii dheeraa JIHAAD ku sheeggii waddanka Afganistaan, oo u ahaa maaxda ay waraabaan aragtiyada xagjirka ah.

Waddanka [Soomaaliya] berigaa waxaa ka talinaysay Dawladdii Tanti Wadaagga ee ay hoggaanka u hayeen Ciidanka Qalabka Sida. Dabcan aragtidaa diimeed sida Waddamada kale ee aan diin wadaagga nahay ayey dalka soo gashay. Waan hubaa in sheeko ama shaahid mid aad ku heshay sida xaalku ahaa. Dawladdii Militarigu waxay gacan bir ah ku qabatay wadaaddii waday diinta soo galootiga ahayd, heer ay qaarkood dil toogasho ah ku xukuntay, kuna fulisay.

Sibiqdaa markii ay nagu soo galeen Wadaada dambe, ayna ka faa’iidaysteen laba cunsur oo wali taagan oo kala ah: FAWDO [DAWLAD LA’AAN] iyo SABOOLNIMO ayna u kala bexeen  qayb SAXAAFADDA iyo WAXBARASHADA xoogga saartay [IKHWAANKA] iyo qolo MASAAJIDDA, JIHAADKA iyo KHILAADA ISLAAMIYA ku salsashay [Wahaabiya] ayaa waxaa dhashay MAXKAMDIHII.

Dhalashadoodu waxay midaysay aragti ahaan inta badan Wadaadadii. Waxaan uga jeedaa labada quwad ee isku riixriixa hoggaan diimeedka Soomaaliya, marka Ahlusunna laga soo tago. Haddii afka loo daray Maxkamadihii talo xumo awgeed, illeen tallaabo aan tabartaada ahayn haddaad qaaddo tub wanaagsan ma tiigsatide, oo AMXAARO ayaa ALLE u baxshay, belo kale ayaase ka dhalatay, oo la yiraa Alshabaab.

Alshabaab isla markii ayey xoog yeelatay, waxaana u fududeeyey laba arrimood oo kala ah: (1) Inay isu muujiyeen inay dhaamaan kuwii keynta Kismaayo u cararay, oo iyagu cadawga ay iska caabinayaan. (2) Qayb ka mid ah haraadigii hoggaanka Maxkamadaha oo boos ka waayey Shirkii Asmara, oo sutiga u qabtay haadaan ka tuuridda dhallinta dhug la’aantu u dheer tahay dhaayo xirnaantu. Wixii ka dhacaba waa la wada ogaa.

Falalkii gurracnaa ee dareenka Aadmiga marna aan oggolayn, ee lahaa: GACMA GOYN, LUGA JARID, MADAX GOYN, DHAGAX KU DILID, JEEDLID IWM, ayna sii dheereyd: CABURIN, CADAADIN, CUNQABATAYN IWM, wadaada ay bah wadaagta yihiin Alshabaab ee lahaa AL ITIXAAD iyo AL ICTISAAM lama imaan masulliyad qaran iyo mid muwaadinnimo toona, ee waxay u dhaqmeen sidii shisheeye oo kale [isha ka daawo] maxaa iga galay?.

Haddii Amisom guulo waaweyn ka soo hoysay dagaalkii ay kula jirtay Alshabaab, oo dabcan mira u ahaa dunida oo qaati ka taagnayd argagixiso laba aflay ah, oo kala ah: ALSHABAAB iyo BURCAD BADEED, oo sanadihii hore aan jirin, balse, labaduba xoog yeeshay wixii ka dambeeyey 2006. Taageerada adduunka iyo talo dalbo leh, ee hoggaanka dalku marba meel kula dhacayeen ayaa guusha lagu hantee, bal yaan la moogaan.

Maanta waxaan joogaa maalin la wada leeyahay Alshabaab waa laga taqallusay ama awooddeedii waa wiiqantay. Hubaal in midda hore aysan sax ahayn, waaqicana ka tarjumayn. Balse, tan dambe, la qaadaa dhigi karo ama la faaqidi karo. Maxaa yeelay tani waxay ka mid tahay marxaladda labaadee Alshabaab een wali dhammaan, oo aan sare ku xusay, ee hoggaanka yaan la dabcin, heegankana yaan la dajin. Illeen waxa naga horreeya maalmo mugde ahe.

Marxaladda saxadaad, oo aan anigu qabo inay tahay midda ugu adag, waxay ka billaaban doontaa maalinta si rasmi ah Alshabaa looga sifeeyo cudud iyo ciidan ahaan dhammaan gobollada dalka. Lagaa yaabee, inaad i leedahay, oo haddaa maxaa haray haddii awood ahaan looga taqallusay? Aana kuu sheegayee, horta, aan kuu dhexgalsho, inaysan suuragal ahayn in, nimankii Alshabaab iyagu dhalay ama la dhashay, ee soo barbaarshay, inay maanta la soo istaagaan sidan: “IN AY XAQ TAHAY IN LAGU JIHAADO ALSHABAAB”.

Inay xaq tahay aqriste aniga iyo adigu maanta naloo sheegi maayee, haddaannaan hore u ogayne, xaggee sheekadu iska qaban la’dahay? Si kale isuma qaban la’ ee AL ICTISAAM waxaa ku dhacay erayada ku jira heesta ay isla Xareediyaan labada Fannaan; Maxamed Nuur Giriig (AUN) iyo Maryan Mursal Ciise Bootaan. Oo Giriig leeyahay;

Ninka dila Abeesee
Ubadkeeda daystee
Daajee rabbeeyaa
Dib u qoomameeyee.

Maanta waxaan joogaa in cod dheer iyo cod hoosaba lagu yiri ALSHABAAB ha lala jihaado. Midse lama eegin; qofka dhahayaa; Alshabaab ha lala dagaalo, waa kee? Ma mid shalay markii MAXKAMADUHU JIHAADKA la jadbaysnaayeen u codaynayaa, waliba diin ugu qiilinayaa, mise waa qof kale? Hadduu kan hore yahay, ha ka dhagaysan, illeen hadalkaa waxaa ka keenay isagaa wareegtadu ku timide, oo naftiisa ayuu baxsi la yahay, kuu shalay dhaliilay iyo asagu Alshabaab u siman.

Ma qof intii canaabta Alshabaab aan la daala dhacaynnay nagu fiirsanayey, ee waliba hoosta ka qoslayey ama si dadban ugu qiilinayey ayaan maanta ka dhagaysannaa inay xaq tahay in lagu Jihaado Alshabaab? Isma dhihin. Horta aqriste, ma ogtahay in Alshabaab yihiin dhal AL ICTISAAM, AL ICTISAANna yihiin dhal AL ITIXAAD, AL ITIXAADna yihiin dhal WAHAABIYO? Aragtida hore ee ah inay is dhaleen Alshabaab iyo Al ictisaam iyagaa afkoodu ku qirayee, bal mehaan hoose ka muuqso:

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=Y369lJ5iEhc

Aan meel ka dhaw kaa tuso, adoon is dhihin, ninkan sheekadii Suufiyada ayuu noo maldahayaaye. Ninkii shalay ku lahaa; 1- WACALNIMAAD ku DHALATAY, oo HOOYADAA iyo AABBAHAA waa iska SINAYSTEEN. 2- WALAALKAA inaad GOYSO ayaad ALLE ugu DHAWAAN kartaa, oo AADAN SALAAMIN, CUNTO la WADAAGIN, illeen waa BIDCIYE. 3- WALAALKAA inaad ku JIHAADDO oo kali ah ayaad JANNO ku GALI kartaa. 4- WARAABAHA ayaa XALAAL ah. Waxa dambe ee laga filan karaa maxay noqon karaan? Adba qiyaaso.

ASHAHAADO beenoo
Afka laga yiraahdoo
Uurka aanan jirinoo
Dadka lagu ugaartoo
Ubad lagu gumaadoo
Ayeeyiyo cirrooliyo
Marrastiyo Awoowaba
Aan loo arxamahayn
Asluubtooda weeyaan!

Tusaalooyinkaa waxaan u soo qaaday markii aan lahaa marxaladda sadaxaad ayaa ugu dhib badan. Maxaa yeelay beentii ay beereen ayaa u baahan in bayd bayd burhaan loogu bayaamiyo.

Intii qormada qoristeeda aan ku guda jiray ayaa anoogoo saaran gaari saaxiibkay uu shiday Subac Quraankii hooriska lahaa ee la isla qaadayey Aayadda dhammaadkeeda. Markaa baan ku iri inta Subac Quraankan oo kale looga noqonaya wax badan way qaldanaanayaan. Maxaa yeelay nimankan dambe, qaabkii diinta kaliya ma badaline, waxay badaleen wax walba oo xiriir la leh nolosha.

Midda Wadaada AL ITIXAAD iyo AL ICTISAAM haysata gaar ahaan iyo guud Umadda Soomaali waa taa oo kale. Illeen labadan Urur iyagaa dhalay, beeray, barbaarshay Al shabaab. Soomaalina waa garan waysay, inay kala gartaan kuwa dhaqan dooriska loo soo diray ee magac walba ku iman kara inay ka feejignaato.

Malaha meeshii ay ka jilicsanayd ayaa laga soo galay, ee diinta ah. Raggan diin dacareedka doojinaya waxay ku soo gabbadeen FAWDO dawlad la’aan ah iyo SABOOLNIMO baahsan.

Shulugyada Carbeediyo
Kuwa shukada qaatee
Indhahana Shareertee
Shiishaan la haystee
Shaam laga haagayee
Shayb iyo dhallaan iyo
Dumar aan ka shiixayn
Haddii aad Shabeelliyo
Shangaanida ku taal Xamar
Shalaambood xorayseen
Ood Shabaab ka saarteen

Inta shaqal ay leexsheen
AAYADO shakaaleen
XADIISYADA shucayska ah
Say rabeen u sheegeen
Sunta ay shubaayeen
Nukleer la shidayiyo

Shaxdu male ka wayne
Sidee lagu shifeeyaa?!

Dhammaad.

Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin laba maanso oo aan dhawaan soo bandhigi doono.

By Bashiir M. Xersi - brdiraac@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.