Al-Shabaab: Naafeynta Dhalinyarada…? (Daawo Video) + (Riwaayad)

Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya xiligan koox walba oo bulshada ka mid ah saameyn gaar ah ayeey ku reebeen, wallow qataraha ay kala daranyihiin. Inkastoo burburkii kadib nidaam waxbarasho, mid shaqo iyo mid horumarineed oo wanaagsan aanay helin dhalinyarada ayaa hadana waxaa u sii dheer dhibaatooyin ay kala kulmeen dagaalada, maadaama dhinac walba oo ka mid ah dhinacyada isticmaala hubka uu adeegsado dhalinyaro Soomaaliyeed.
Maqaallo Keydmedia Online
Al-Shabaab: Naafeynta Dhalinyarada…? (Daawo Video) + (Riwaayad)

Ka sakow arimahaasi waxaa jira dhibaatooyin kale oo dhalinyarada la hubeeyay ay ku hayaan kuwa aan hubeesneen, waxaana falalkaasi ay isugu jiraan dil, cabsi galin iyo xadgudubyo kale.

Fu’aad Max’ed khalaf (Shonqole) oo ka tirsan Alshabaab hadal uu dhawaan ka jeediyay degmada Afgooye ayuu uga dalbaday dhalinyarada ka tirsan Shabaab in ay joojiyaan argagax galinta, cabsi galinta iyo xadgudbyada ay u geysanayaan shacabka.

Baaqaasi ka sakow ayaa Al-shabaab xiliya kale duwan waxa ay ka fuliyeen Muqdisho iyo gobalada ay taliyaan falal isugu jira dil, karbash, adimo iyo luga jarid loo geestay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay iyagu ka taliyaan..

Bal aynu milicsi kooban ku sameyno inta dhalinyaro ee ay shabaabku adimaha iyo gacmaha ka jareen iyaga oo ku doodaya in ay ku kaceen falal amni daro iyo kuwa xatooya ah.

Waayaha maalinkii ugu yaabka badnaa waxa ay aheyd markii fagaara ku yaala Suuqa Xoolaha ay 25-June 2009 ay Alshabaab gacan iyo lug is dhaaf ah uga jareen dhalinyarada kala ah Jeylaani Maxamed Xaadi, Ismaaciil Khaliif Cabdule, cali Maxamuud ( Cali Geedi ) iyo Cabduqaadir Cadoow Hiraale, kuwaasoo diif iyo darxumo kadib u soo baxsaday dhanka dowlada .

Sidoo kale waxaa degmada Dayniile gacan iyo lug isdhaaf ah looga jaray Muriidi Max’ed Nuuriye iyo Cali Xuseen Bisilow, sidaasi si la mid ah ayaa 15 October 2009 lug iyo gacan looga jaray Nuur Xasan Xuseen oo ku sugnaa degmada Kaaran, waxaana ugu danbeeyay oo bishan horaanteedii ay Alshabaab lug iyo gacan uga jareen Baydhabo Nuur Axmed Nuur.

Kuma koobna intan oo kaliya dhalinyarada ay Naafeeyeen Shabaabka waxaana jira kuwa kaloo badan, iyadoona dhalinyaradan marka la xog wareesto ay kuu sheegayaan sababta ay ku curyaameen in ay tahay iyaga oo ka madax adeegay ka mid noqoshada Shabaab.

Nuur Xasan oo aan wareysanay ayaa sheegay in sababta lugtiisa iyo gacantiisa uu ku waayay ay tahay isaga oo ka madax adeegay ku biirida Shabaab, isla markaana isaga oo ku sugan qeyba ka mid ah Muqdisho ay qafaaleen Shabaabka kadibna uu ka war helay isaga oo fagaare ku yaala Kaaran looga jarayo lug iyo gacan.

Hadii ay sii socdaan talaabooyinkan ay shabaab ku curyaaminayaan dhalinyarada Soomaaliyeed suurta gal in ay sii kordhaan dhalinyarada Naafada ah ee ku nool Dalka taasina waxay curyaamin doontaa horumarka iyo wax soo saarka Dalka maadaama dhalinyarada ay yihiin xooga lagu xisbaatamo dal walba.

keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.