AMISOM: HAB DAGAAL EE NAXARIIS DARAN

Dr. Ismail Malaas - Marka horaba dagaal haddii la yiraah, dagaal milatari naxariis meesha waa ka baxday, waase marka laba ciidan ay fool ka fool u dagaalamayaan, tixgelin weynna la siinayo xuquuqda aadanaha aan dagaalka ku jirin, ciidamada amisom keliya ma ahan sida ciwaanka maqaalka uu tilmaamayo, balse waxaa la mid ah ciidamada ka soo horjeeda ee ay kooxaha ay kala hogaamiyaan Axmed Godane iyo Xasan Daahir, oo iyagu gabaad ka dhigta dadweynaha guryahooda, hantidooda, nafahooda markaasoo ay AMISOM iyadoo jawaabeysa ciidamada soo weeraray ay duqeyn culus ka geysataa xaafadaha xamar.
Maqaallo Keydmedia Online
AMISOM: HAB DAGAAL EE NAXARIIS DARAN

Labada ciidan ee dagaalamaya Amisom iyo kooxaha dagaalka diimeed ee qalooca cuskan wada, labaduba way xasuuqaan dadweynaha hantidooda iyo arwaaxdooda, waxaase sii daran kuwa Amisom oo ku dagaalama hub casri ah oo hoog iyo halaag aan la maqal haatan ka hor leh.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxay is weydiiyaan mararka qaarkooda  war hubka  kooxaha dembiilayaasha ah  ee diinta qalloocan wata, ayna hogaamiyaan ajaaniib Afgaanistaan, Shiishaan, wasiristaan IWM looguma tala galinee ma hub reer galbeedku sameeyay oo Soomaaliya looga dhigay goob tijaabaa?.

Muqdisho ama Soomaaliya ma ahan sida Afgaanistaan IWM oo buuro, boholo, keymo, dhul baraf daboolay leh oo in hub sida hubkaa muqdisho ay Amisom ku dagaallanto, muqdisho maaha, muqdisho iyo Soomaaliyoo idil  dagaal sidatan u xoog  badan looguma talo galin, mana joogaan ciidamo cudud lixaad leh oo la dagaalankooda qaato waqti dheer .

Dadka Soomaaliyeed waxay is weydiinayaan maa AMISOM loo badalo Nabad dhaliyayaal, inta Nabad ilaaliyeyaal la leeyahay ileen haddii aanan xaqiiqda ka gabban nabad la ilaalinayaa waa wadada Makka-almukarama, Dekadda, Villa Soomaaliya iyo xaafada yar yaroo u dhaw, Garoonka Diyaarahada, sidoo kale xeryaha ciidamada Amisom, malaayiin doolar ayaa reer galbeedka dhiibaa, ciidamada Amisom-na ku baxda, hadana wax u dhigma ma ahan ama u dhaw wixii laga doonayay.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku sheegaan dagaalada ka socda Soomaaliya mid kooxo gooniya ay dhaqaale ku sameestaan, waxaana taasii daliil u ah Malaayiinta doolar oo lagu gurto arimaha dagaalka iyo waxa loogu yeero difaacidda xuquuqda aadanaha taasoo hey’ado magacyo iska huwan ay gurtaan shacabkana aanu wax faa’ida ah ka helin.

Haddii aan runta ka hadalno Soomaaliya gabi ahaanteed bil ama hadaan badino seddex bilood ku qaadan meyso Amisom iyo ciidamada Soomaaliyeed in ay dhamaan Soomaaliya kaga xoreeyaan kooxaha diinta qaloocan wata ee ay kala hogaamiyaan Xasan Daahir iyo Axmed Godane.

Xaafadaha mararka qaarkood la sheego in ay dagaal balaaran ay ka soo qaadaan kooxda Godane, waxa dagaal ka soo qaada ma dhamo laba boqoloo wiil oo jabhada badan isu qeybiyay, dadka Soomaaliyeed  waa ogyahay ileen way ku dhex nool yihiine.

Dagaalka waxaa gacan weyn ka siin kara Amisom ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliyeed haddii mushaarkooda la sugo loona aqoonsado ciidan qaran xuquuq ahaan iyo qadarin ahaan intuba.

Hey’adaha Dowladda madaxtooyada, Xukuumadda iyo Baarlamaanku oran mayo dhamaan xibnaha ku tirsan hey’adahaase intooda badan waa kuwa doonaya in lacagaha soo gala ay iyagu ku noolaadaan kuna raaxeystaan, shaqaalihii dowlada, ciidamada, dadweynihii wax u dooda ma jiraan. Difaaca dalka xasilintiisa, badbaadinta dadweynaha  iyo soomaaliyoo u soo noqota sideedii hore sharafteediina u soo noqota  waxa keliya ee ka hadla waa kooxda toosinta iyo badbaadinta ee ay dhiseen qaar ka mid ah xildhibaanadaasi.

Kutlada toosinta sida magaceedu yahay baarlamaanku wax badan bay ka badashay in habka loola dagaalamayo kooxaha wata diinta qaloocan uu yahaya hab qaladan, hadaan la bedalina ay Soomaaliya iyo shacabkeeda ay weligood silic iyo saxariir ku noolaan doonaanayaan.

Soomaaliya looma baahno in ganacsatayaal qaad ay sidey doonaan midnimadeeda u cad cadeeyaan iyagoo sakiimahoodii Baangad u bedalay .

Soomaaliya haddii la doonayo in laga badbaadiyo xasuuqa, silica, saxariirta iyo quusta waa in Amsiom loo bedalaa ciidan nabad curiyayaal ah, ciidamada qalabka sidana la habeeyo Milateri ahaan mushaar wanaagsana la siiyo bil kasta iyo abaalmarino askartii “dhii dhii” ku dara difaaca iyo gudashada waajibka.

Tuhunka Shacabka Soomaaliyeed ee ah in Soomaaliya loo isticmaalo goob tijaabin hub iyo kaamam ay ku tartamaan ciidamo shisheeye ah, haddii la doonayo in la joojiyo tuhunkan waa in ciidamo Nabad curiyaal ah loo bedalaa Amisom.

Hadal gaar ah waxaan u jeedinayaa madaxweynaha Uganada yuweeri  Kakutu museveni oo aad iyo aad hadaladiisa uga dhadhamaan in Soomaaliya laga baxsho mixnadda ay ku jirto .

Mudane Musaveni shaki kuma jiro inuu Soomaaliya la doonayo wanaa, waa madaxweynihii ugu horeeyay Dunida gaar ahaan Afrika ee Soo booqday Soomaaliya iyadoo dagaal ahli ah oo culus uu ka socda dhex yimidna xarunti SNA talo, waano iyo ficilo Afrikaanimo tusay shacabka Soomaaliyeed, haatan waxaan xusuusin lahaa Madaxweyne Musaveni in xaalka Soomaaliya uu sidii waagii uu soo booqday Soomaaliya uu holceysa uu ka sii daranyahay, loona baahanyahay in beesha Caalamka ay ciidamada Amisom u bedasho ciidamo Nabad dhaliyayaal ah,  si meesha ay uga baxdo si meesha ay uga baxdo in ciidmadooda aanay Soomaaliya u iman tababar iyo tijaabeyn hub cusub oo reer Galbeedka ay sameeyeen.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.